|

Madaxwayne Xasan sheikh Qorshihiisa Cusub ee Wadahadalkii DF Somalia iyo Maamulka Somaliland

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz, Siihayaha Xilka Danjiraha Dowladda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane iyo Wakiilada Gaarka ah ee dalalka Turkiga iyo Norway ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dib u soo celinta wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka fududeynta iyo isu soo dhaweynta ah ee dowladda Turkigu ay ka soo qaataday wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland, kuwaas oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira iyo xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladaha Turkiga iyo Norway sida ay uga go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada DFS iyo SL, waxa uuna xusay qorshihiisa qaran ee la xiriira Soomaali Heshiis ah, taas oo ay qeyb ka tahay xal u helidda tabashada ay qabaan walaalaha Soomaaliland.

Dhankooda, Wakiilada Gaarka ah ee Turkiga Aykut Kumbaroğlu, Norway Marwo Heidi Johansen iyo diblumaasiyiinta dalalkaas ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay xal u helidda caqabadaha dib u dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso colaadaha, khilaafaadka siyaasadeed iyo dib u heshiisiin la’aanta bulshada.

Madaxwayne Xasan sheikh ayaa dhowaan maraykanka ka sheegay inay Soomaaliya tahay mid keliya oo la kala goyn karin, balse ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa wixii tabasho ah ee qabaan Walaalaha Somaliland.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62030

Posted by on Dec 6 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

19 Comments for “Madaxwayne Xasan sheikh Qorshihiisa Cusub ee Wadahadalkii DF Somalia iyo Maamulka Somaliland”

  1. Boqortooyada somaliya

    Faysal c waraabe wuxuu horay u yidhi Hawiye MASTER kiisaanu (DAAROOD) la hadlaynaa . Hadalkaasi meel loo dhaafo ma laha. Because cida wax kala dhexeeyaan kartina u leh inay Go,aan Qadhaadh qaataan waa Daarood.

    Maahmaah baa ah. CANAAN ka yaab reer ma doojo. To be honest I don’t even believe that nobody of Hawiye politicians can take very critical actions.

    But I m very happy to see Somalis sitting together and fixing theirs

  2. Admin kalshaale.
    Guusha ciidamada dowladda iyo dadka degaanka
    Ay ka gareen khawaarijta maxaad noogu soo gudbinwayseen?

    Waxaanu ku damaashadeynaa aadan yabaal
    Idina tigree ayaad soo qaadaneysaan.

    Waxaan soo gaarnay maalin ay ATMIS ama AMISOM u hambaliyaynayaan Ciidamada Soomaaliyeed oo xoreeynaya dhulkii ay cadawgu heysteen. Ogow lix bilood ka hor waxaan maraynay in AMISOM laga codsado inay la wareegaan amniga Raysalwasaaraha, si ay uga difaacaan Madaxweynihiisii oo Ciidamadii Qaranka ku soo weeraraya.

    Ogowse lix bilood ka hor in la dalbanayay inay AMISOM ilaaliyaan goobtii ay ka dhacaysay Doorashada Qaranka oo laga baqayay inuu Madaxweynuhu ku soo weeraro Ciidankii Qaranka.

    Ciidamadu waa isla kuwii, laakiin waxaa cusub in hoggaankii Dalku uu isbeddel ku yimid; taas ayaana keentay in ay aragtidii hoggaamintuna isbeddeshay.

    Had iyo goor waxa natiijada fiican keena ma ahan awoodda aad haysato, ee waa sida aad u isticmaasho awooddaas— haddii aad xerada AFISYOONI ku xerato, iyo haddii aad Aadan Yabaal iyo Xarardheere ku xoreyso.

    ABAALNA KUUMA ERGANEE AADAN YABAAL USOO AROOR.

  3. Garqaad

    Salaan sare Ugaas

    Adigoo ku mahadsan
    Mudanna in lagu taageero

    Wali waxaa cad inaad tahey
    Hawiye hore ee dhihijiray
    Dadku waa wada soomaali

    Daarood waa niman Jaberti ah
    Dadka Jaberti waxaa xiro oo xeeriyo
    CADKA DHUUNTA MARO

    Ama ha joogeen Baabu-Yemen
    Ama ha joogeen Baabu- Mikkele Tigriya
    Ama ha joogeen Arlul IRIR SAMALE

    Dhaqankooda haka sugin inay
    Taageeraan shaqo aysan ka heleyn
    Luf Luf.

    Dagaalka Qawaarijiinta waxay u arkaan
    Cudur ku soo socdo
    Maxaa yeelay the next will be,
    Full Federaal ” No more two Gaaweeto
    Ama completely Central Government
    No more JIIMBAAR TUULO SALAAN
    lala qaato madaxda Qaranka.

  4. Hadafkeena labaad waxaa waaye
    Dib u celin iyo dib u degin

  5. Arinta wadahadalka
    Soomaaliya iyo Somaliland
    Waa muhiim waana socon
    ilaa dib loogu laabto
    Heshiiskii Mogadishu iyo Hargeysa
    Cigaal iyo Aadan Cadde
    Gaareen 1958.

    Caasimadaha Xortaa
    Waa inay ama isugu yimaadan
    Equal Power sharing
    Ama equal two nations.

    Waxa kale waa iskaashi
    Security, business and holidays.

  6. Madaxweyne Xassan Shiekh oo mar dhaw jeediyey qudbad ku saabsan Dagaalka Hada lagula jiro Khawaarijta iyo marka laga soo jeesto Qawaariijta waxa ku xigi Doono hadii Allah idmo.

    Arinka Dayn Cafinta oo hada maraysa heer gabo gabo ah ayuu Madaxweynaha Sidoo kale ka hadlay.

    Madaxweyne Xassan Shiekh wuxuu yiri Dayn gaaraysa $ 5 Billions ayaa Somalia Lagu lahaa dadaal fara badan kadib waa laga cafiyey Somalia Dayntaa Badankeed Inta hadhayna bilo gudahood baa lagu cafin doonaa Insha Allah.

    Marka la cafiyo Daynta kadib Somalia waxay qaadan kartaa oo loo ogol yahay $$ Billions of Dollars……. Lacagtaas oo aan ku dhisan doono Wadanka.

    Maasha Allah….. Hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Shiekh waxa uu Dhabar jab ku yahay Caddawga Ummada Soomaaliyeed ee rabta in horay loo Socdo.

    Guul iyo Gobanimo.

  7. Sixid

    Caddawga Ummada Soomaaliyeed ee aan rabin in horey loo socdo.

  8. Dabshid
    Hawiye iyo isaaq ma waxay gali karaan wax heshiis ah oo aan daarood raali ka ahayn?

    Oo Hawiye iyo isaaq maxaa ka dhexeeya? Wax xuduud ah ma leeyihiin? 😂😂😂😂😂 .. Cidda labada dhanba degan koofur iyo waqooyi waa daarood..waxaysan ogolayn ma dhacayaan abadan…

  9. Axmed najaad maba loobaahna wadahadaladaan maalayacniga ah,kaliya hawiyaha ayaa ceelkii korfadhiya waxaa lagarabaa siyaasad hufan oo soomalidhan u cuntamikarta layimaadaan,waxaa naheysata meesha kamatage waxnakamatare

  10. Fursadaa Dahabiga ah Somaliland hakafaaiido Somalina ha uga faaiidayso

  11. Somaliland wax ay la midoowdo oo Xamar yaalaa ma jiro.

    Wax lala midoobo iyo wax midnimo la laga hadlo midna kuma noola koonfurta Somaliya.

    Dadka koonfurtu maaha dad dad iyo umuur kale dawladnimo Somaliyeed iyo wada jir.Waxa u daran danta shaqsiga ah.Waxa u daran wax uu cuno.Iyagaa u baahan in dib loo dadeeyo.

    Dalmida

  12. 7 years oo aan kalshaale dhex fadho waxaan ahayn Hawiye vs Daarood.
    Irir sameele etc kama dheregtaan miyaa?
    Non ayaa dhalay wiil doqon ahaa duqu wuu ogaa wiilka inuu caran eber ah yahay, laakiin hooyadiis ayaa duqa ku khasabta in wiilkeeda caaq uusan ku sheegin.Muran badan ka dib ayaa lagu heshiiyay wiilka in wax loo diro hadduu keeni waayo waa caaq, hadduu keeno waa nin karmeed.
    Wixii loo diray waa keeni waayay wiilkii hooyadii oo aad uga xumaatay,carootay ayaa tiri.
    ILLAHII SIDAAN KUU GALAY KUUMA DHAAMEE OROD CAAQ YAHAW.
    Hadda 24/7 Hawiye vs Daarood waa dhaafi weyseen.
    Caqliyarida jirtaa dawaladdii hore dadka qaar qabiil bay ku taageeri jireen,qaar wixii positive iyo negative bay ku ekeyaan,qaar qabiil bay ku mucaaradeen illaa aan la gaaray shaqsiyan in aan dhaho war Farmaajo aan idinla dilee wax maangal ah ii sheega aan ka ahayn FARMAAJO WAA MARIIIIIXAAAAAN.
    Labada qoloba waxbaa ka qaldan.
    Ninkii shalay dawaladdii uu taageersanaa qabiil ku mucaaraday sidee kugu taageeri karaa?
    Sidoo kale kuwii shalay mucaaradka ahaa sidee bay rabaan in loo taageero iyagoo qabiil wax ku mycaaraday?
    Sidaa dalka iyo dalka Dan uma ahan caqligana ma qabo. Haddii Somali kuwii waxbartay ama dunida arkay sidaan yihiin kuwii aan kusoo arkay Muqdisho September maxaa u malayseen?
    ILLAAHII SIDAAN IDIIN GARTAY WAA QANI CALIGIINNA BEDELI KARA.
    Shaqsiyan waqti wax la mucaarado lama gaarin 6 bilood waa very short waqti hala siiyo dawladda.Haddii aan la kala roonaan waxba ma hagaagayaan si qurux badan wax isugu sheega almiino.

  13. Golaha kalshaale wax iigu danbaysay
    Iyadoo shaqsiyaad nadiif ahi fekero ka dhiibtaaan,laakiin
    Hada waxan u jeedaa mooryaan shaadh qabiil Soo wada xidhay
    Dabshid /naar huriye.
    Hadii Hawiye kursigii qabsaday ooe aad.xukunkii haysataan weli miyaad barooranaysaa.
    Waxan arkayaa adigoo garqaad u jawaabaya qawmiyad dhana.
    Aflagaadaynaya.
    Qoraayasha kalshaale waa gob ilayn baantuugan OO wada cuqdadaysan baa wax ku qorayee.

  14. Farxiyo

    Ina adeer waan ku salaamey
    Waa haddaad tahey @ Farxiyadii runta aheyd

    Maxaa yeelay Farxiyo hore waxay iska,
    soo hormarin jirtay SALAAN IYO BARIIDIN.

    Tan Dowladda markii horeba anagaa heysanay
    ileen Farmaajo waa anagee

    Walaashey siyaasadda naga daaye,
    Caruurtii iiga waran iyo wadaadkii

  15. Dabshid .
    Waa farxiyadii hore.
    Dabshidoow berigii hore golaha OO deggan ayaan Soo geli jiray
    Oo dad miyirqabaa ku kaftan ayaan
    Markaasaan salaanta Soo Qadimi jiray,balse caawa dhiigga 200i tegay.
    Ugaas waan ku salaamay, salaan gobeed.
    Dabshid farmaajo haduu usc-ahaa,maxaa 12ka nin ee isku reerka ahi u weerareen.
    Ilayn Hawiye taariikhday ku dhigeen seedigood
    Adduunyada Iska daaye,aakhirona waa laga ogyahay.

  16. Governor Siciid Deni Zanzibar ayaa baryahan wuxuu noqday lawyerkii u doodayey Lafta Gareen !!

    Jubaland ayuu shalay iska dhigi jiray in uu Axmed Madoobe caawinaya oo uu garab Siinayo laakiin Axmed Madoobe wuu ogaa Deni in uu wato Dano u gaar ah markii Dambana waatii Fariinka lays kala booday Axmed Madoobe ka danaystay !

    Deni hada wuxuu is leeyahay Eelaaygaan LaftaGareen isticmaal 🤣🤣🤣 lol
    Deni yaa u sheega in Lafta Gareen aan la xambaari karin meel uu ka gadmayana Majirto. Don’t waste your time Mr Deni.

  17. Farxiyo

    Kkkk

    Haddaan xumeynay seedigeen
    Waa iska cararilahaa
    Lkn idinka ayuu film idiin jilahayey

    Farixoy
    Ma xasuusataa taladii
    AUN Governor Galeyr

    Tolkayoow Barta siyaasadda
    Somalida cusub,

    Farmaajo waa ninkii yiri
    Way igu adagtahay inaan
    Ka hadlo Gobolka Sool
    Haddana BURAASHADDA
    ayaad wali kadabo waddaan

    Horta wali ma timid
    Xamar mise wali cabsi cabsi waaye

  18. Dabshid.
    Farmaajo wuu ku saxnaa jawaabta.uu siiyey inantii waydiisay ee inaadertay ina fariid.
    Qabiil iyagii is khilaafsan oo an qadiyad midaysan lahayn
    Oo inay mamul dhistaan isku raaci waayey,maxay dawladu u qaban kartaa? Dhulbahante iyagaa lugaha is haya.
    Ma waxad ka gubatay farmaajo waad ku goobateen dabshidoow
    Si kasta oo uu khalad naga galo
    Waa nin Daarood Ismaaciil ah,inaanu u hiilinona waa muqadas.
    Dabshid aniga ma waxad i moodaysaa majeerteen iyo Ogaadeen
    oo intaad ku danaysateen codkoodiina kursiga ku fuusheen
    Hadana aad cidlo uga dhaqaaqdeen.
    Dabshidoow inadeer anigu waan ogahay inaad wiil Sade tahay
    Weli ma cadhadii baad ku maqan tahay.

  19. Farxiyo
    Ina adeer waan ku salaamay Salaan sharaf badan..
    Welcome back oo Dameer farowga baxsadka ah dhagaha ila qabo….
    Sade ha u gafin nin Dabshid oo kale ah kama dhasho oo xitaa lahayn beel dheegto..Irir iyo waxaan la aqoon ku rafta….hadii Isaaq ahayn waa kuwa Hawiye laga dhigay qarniga cusub.
    Waabaa jirtay kan Hawiye ah xitaa si reer Bari loogu maleeyo lahjad Bari iska dooni jiray: aboowe macaan [boowe Macaan]…. kkkkkkk
    Hadda cidwalba Hawiye isku dareen…Dabshid ka bilow.
    Dabshid waa Mareexaan caraysan..kkkkkkkk, ar baayo taas u kaadi, kaas Daarood cad kama soo galo.
    Hawiye boos ka ciriirsanayaa! Daarood Xamar ka guuray, laangaab ma rabo, Hawiye ayaa u roon.🇸🇴✋

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented