|

Madaxwayne Xasan sheikh oo kulan xasasi ah la qaatay dhiggiisa Dalka Masar

Qaahira  ( Kalshaale ) Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaadhay  magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Qasriga Al-Itixaadiyah ee looga arrimiyo dalka aan walaalaha nahay ee Masar ayaa kulan la qaadanaya Madaxweynaha dalkaas Mudane Cabdulfataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=66464

Posted by on Jan 21 2024. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented