|

Puntland: Madaxwayne Siciid Cabdullaahi deni oo dib loo doortay

Garoowe ( Kalshaale ) Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garoowe, ee Madaxwaynaha Puntland waxaa markale dib loogu doortay Madaxwaynihii hore ee Puntland Siciid Cabdullaahi deni.

Madax kala duwan iyo masuulyiin ayaa dhambaalo hambalyo ah la wadaagay Madaxwaynaha Cusub ee dib loo doortay Mudane Siciid Cabdullaahi deni.

Dib u doorashada Siciid deni ayaa u quus goysay mucaaridka doonayey inay meesha ka saaraan, Sidoo kalana DF Soomaaliya oo mudooyinkii dambe ka gaabsatay wadashaqayntii Puntland ayaa la filayaa inay qorshaheedii wax ka badasho oo xidhiidhkooda iyo wadashaqayntu ay dib usoo noqoto.

Shacabka garoowe ayaa dhankooda waxaa farxad u ahayd inay magaaladu ka baaqsatay colaad iyo dagaalo ay doorashadu sababto.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=66474

Posted by on Jan 8 2024. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented