Home » September 30th, 2022 Entries posted on “September, 2022”

Madaxwayne Xasan sheikh oo ka hadlay Geerida Farxaan Qaroole iyo Qaraxii uu ku shahiiday

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

Farmaajo oo war kasoo saaray Geerida Farxaan Qaroole iyo Qaraxii uu ku shahiiday

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida Gen Farxaan Qaroole oo lagu dilay  Qarax miino saaka gelinkii hore. “ Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

Ciidamada Haramad ee dagaalka ku jiray oo Gadood sameeyay, kadib dilkii Farxaan Qaroole iyo sababta

Muqdisho ( Kalshaale ) Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo laamaha Amniga ee DFS, qaar kamid ah ciidamadii uu hogaaminayey Allaha u raxmadee Jen, Farxaan Max’uud Aaden (Qaroole) ee kusugnaa deegaanka uu ku geeriyooday saaka ayaa gadood sameeyey, waxayna dalbanayaan in la sameeyo baaritaano dheeraad ah oo madax banaan, kuna wajahan dhacdada dhimashada taliyaha la […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

Taliye Farxaan Qaroole oo Qarax lagu dilay Iyo Wararkii ugu danbeeyay

Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Taliyihii Booliiska gobolka Banaadir General Farxaan Qaroole uu ku geeriyoodey Qarax miino dhulka loogu aasay, kaasi oo ka dhacay deegaan hoostaga dagmada Balcad. Alle ha u naxariistee Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole), waxuu ahaa Sarkaal da’yar oo howl nafhurnimo ah u hayay […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

War-mutiyeed wada jir ah oo kasoo baxay Heshiiska Madaxwayne Xasan iyo RW Abiy Axmed ee itoobiya

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Abiy Axmed. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay. Intii uu […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

DEG DEG : Ciidanka Xooga dalka oo qabsaday Magaalada BASRA iyo deegaano cusub

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saaka si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra. Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin badan oo hoos yimaada Basra, sida lagu sheegay war dowladda kasoo baxay. Dhammaan deegaannada […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

DF Somalia oo ku dhowaaqday Dagaal maaliyaddeed ka dhan ah Alshabaab

Muqdisho ( Kalshaale  ) Iyadoo ay dalka ka socdaan howlgalo looga xoraynayo Alshabaab deegaanada ay ku sugan yihiin ayaa  dowladda Soomaaliya sidoo kale shaacisay inay  dabagal ku hayso shaqsiyaad ku maalgalin u sameeya kooxda Alshabaab. Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka Soomaaliya Saleeebaan Maxamed Maxamuud ayaa  sheegay in hay’adaha baaristu ay si dhow ula socdaan […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

Sheikh Shaakir oo ka hadlay Wadahadal u socda DFS iyo Dhirbaaxadii ay kala kulmeen Farmaajo

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa soo dhaweeyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulka goboleedka Galmudug, waxa uu Dowladda Federaalka ku bogaadiyay fulinta howlgalkaas. Shiikh Shaakir ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab isla markaasna aysan iyaga duulaan ku aheyn dowladda […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

Wararkii ugu dambeeyay Abaabulka Duulaanka Qorshaysan oo lagu qabanayo CEELBUUR

Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in abaabul dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socda halkaas, kaasi oo ka dhan ah xarumo waaweyn oo Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka. Ciidmada dowladda federalka Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo beeleedyo deegaanada Galgaduud kasoo jeeda ayaa dhowr jiho kaga siqaya magaalada Ceel-Buur […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

Daawo RW. Xamse oo billaabay qorshe dhallinyarada Muqdisho looga qeyb-gelinayo Dagaalka socda

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad ku saabsan doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. HALKAN KA DAAWO VIDEO Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay dagaalka naf hurnimada leh ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab, isaga […]

September 30th, 2022 | Posted in FLASH,MAQAL IYO MUUQAAL,WARARKA,XULKA KALSHAALE | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented