|

RW. Xamse oo la kulmay ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถg๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ก๐—ผ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐˜† (Sawirro)

Muqdisho ( Kalshaale ) Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim.

Kulanka Raโ€™iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka goโ€™antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62001

Posted by on Dec 4 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “RW. Xamse oo la kulmay ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ผ๐—ฟ๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ถg๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ก๐—ผ๐—ฟ๐˜„๐—ฎ๐˜† (Sawirro)”

  1. Boqortooyada somaliya

    Hamze wuxuu la dhaqan noqday Hawiye waxaan arkayey isaga iyo Gudoomiyaha Gobloka Banaadir oo qaybsaday wixii xil iyo mashaariic ahaa ee xamar yaaley kkkk Hawiye 2 buuba noqday ๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

    Laakiin maxay kuugu taalaa waxaa kusoo socda Mooshin aad u culus that is why Xasan Gurguurte isugu yeedhay gudoonka baarlamaanka.

  2. Raysal Wasaare Xamsa waa uu dadaalayaa shaqo culus ayuuna Ummada Soomaaliyeed u hayaa laakiin Dadka Qaarkii ma arkaan waxaas oo wanaaga uu Xamsa wado.

    Dadka Qaar baa waxay ku leeyihiin 6 Bilood waa lagaaray waxaana la joogaa Waqtigii Xamsa Baari la tuuri lahaa !! Dadka noocaas u fakaraya waxaanu Leenahay Candhuuftiina gadaal u liqa Xamsana wuu joogayaa ilaa intii Alle u qoray Meelna uma socdo. He is here to stay as long as he desires !!

    Guulayso Mudane Xamsa !

    Guul iyo Gobanimoโ€ฆโ€ฆ Horay ayaa loo soconayaa.

  3. Rasalwasaare Xamze waa shaqeynhayaa
    ilaa hadda wax xumaan ah oo laga sheego
    Maleh

    * Waan hubaal inaan maalin maalmaha ka mid ah
    kaa dhigeyno
    Madaxweynaha Villa Xamar

  4. Boqortooyada somaliya

    Xitaa Hawiyuhu Magac bixinta waa ka eber. Maanta wasaaradii kaluumaysiga iyo khayraadka Badda waxaa loo bixiyey kaluumaysiga iyo dhaqaalaha BULUUGA. ๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚.

    Kasheekee Huutuuga hadii Dawladnimada laga ilaalin lahaa Dee qowm wax kula leh Laakiin shaqadoodii inay ku ekaadaan bay ahayd sow maaha

  5. Boqotoodaya Somalia.
    Garaad waan ku salaamay, nin yahow Farmaajo ayaa ka darnaa marka noqoto in Somalia inta kale la ilaawo oo Xamar waxwalba la geeyo..
    Agayoo waxwalba la siisay hadana Geel ku qalanayey madaxyooyada hortooda si uga saaraan ninkiiu shaqaynayey….Taas waan waanba ku faraxsanaa.
    Talada gobolada siinayo waa= is dabara! Puntland at least waa rag nolol samaysan kara..gobolada kale ayaan ka fekeraa oo wixii xaq u lahaayeen Xamar lagu kala qaybsado, goboladiina xitaa caruurta school haysan ama macalim mushaar la siiyo.
    Somalia xitaa caruurtii dalka inta badan wax lama baro, thats means Somalia xitaa generation soo socda oo la wareega ma haystaan.
    Waa dal iyo dad nasiib daran…..Run

  6. Raysal Wasaare Xamsa ma Hawiye ayuu noqday ? ๐Ÿคฃ๐Ÿคฃ

    Ninkii muxuu yiri โ€œ Habar baa Darooryaysa Oday baa Dareen galay maxaa iga galay Warkaaโ€ฆโ€ !

    Waxaan maqli jiray Dameerta tan ugu foosha xun ayaa ugu haraati kulul..!

    21st Century Nin la gumaysto ayaa wali hadlaya !!
    Laascaano Xagee ku ogaydโ€ฆโ€ฆ? Kaftanka waakaa xiran yahay ee iska aamu Huuno.

  7. Hobyo godan
    Xamse iyo Xasan Sheik waa laba shaqsi oo danaha wataan ogayn.
    Deni, Qoorqooe, laftagareen, Madoobe iyo Guudlaawe ayagana waa shaqsiyo danaha leeyihiin la ogaan karin, aniga maba aamino Daanyeer African ah oo xukun iyo Hanti lagu aaminay…
    Waxaan caawa ku waydiin maxaa loo qabtaa caruurta joogta Hobyo, Dagaari, galinsoor, Cadaado soco ilaa Balcad oo marka weynaadaan adduunka uga shaqaysan karaan.
    Aniga Xamar waan ku dhashay oo jeclahay in noqoto caasumad ka saraysa Noirobi iyo Addis Abeba laakiin caawa Galkacyo iyo caruurta joogta in mustaqbal leeyihiin ayaan jeclahay, waayo waa dhigayga.
    Puntland waxkle uma jecli, waxaan rabaa: dal wada nool oo cunaga jooga Xamar Awdal iyo kan jooga Caluula isku chance aqoon helaan..School, amni iyo cunto helo. Si adduunka uga dabaasho marka waynaado aqoon isaga celiyo haysto.
    Weligiinba ku jira Xamar Unukaa Taabsadhay.
    Boowe Hobyo ha ilaawin xitaa haddaad Xamar u bililiqo doonatay..Talo walaal.
    Walle haddii kale reer kale ayaa guriga ku xaaqan ileen waxkale ma taqaane..
    allow dadkaaga aqli sii!!

  8. Xamse baraf,/sanqadh yare.
    Wallee Hawiye ninkay rabeen maanta ayay heleen isma-lure.
    Awoodii oo dhan bay ka qabsadeen.
    Xamsoow xaaladdu ma fiicnee meesha Iska ilaali,oo keenso wiilal reer ugaas kooshin ah.

    Walaahi in laguu jaakidhayo war mooge.

  9. Land of Punt

    Nin kastaa Deegaan kiisa in uu jeclaado oo dhiso waa wax Wanaagsan waana Kuugu boorinayaa in aad wax kasta Puntland Kahor mariso. Lama huraan waa Cawska jiilaal.

    Saaxiib hada kadib dhici mayso Wadaniyad Been ah iyo Qiiro Jabaan dambe in Hawiye loola yimaado filimkaas waa gubtayโ€ฆ Car hadaad rag tahay Xaafada Suusacleey ee aad Gaalkacyo ka dagan tahay iisoo dhaaf Najis yahoow Malaay cunka badan.

    Ugu Dambayn talo aan ku siiyo waa free of chargeโ€ฆ. Ninka Zanzibariga ah ee Governor Deni iska qabta hadii kale Puntland inta hartay wuu kala dirayaa Hadhoowna way adkaan doontaa isku keenideeda.

    Saaxiib Hobyo, Dagaari, Gaalkacyo, Balcad ilaa xaafada Kismaayo ee Calanleey Anaa iska leh waa Deegaan kaygii sida Puntland u tahay Deegaan kaada marka Yaan la isku saqajaamin wax is kugu kaaya jira lama arko xataa hadaad rabto waad Goosan kartaa Saxarahaaga lama dagaanka ah.

  10. Farxiyo
    Kkkkk maalin dhaweyd aan kusoo hadal qaadnay
    Waliba dabshid ayaa magacaaga xusay
    Mideeda kale
    Xasan shiikh waa nin caqli badan wuxuu soo helay nin qataar ah sidii waardiyihii
    Waligaa ma aragtay waardiye meel ilaalinaya halkaas unbaa waagu ugu baryi suu utaagan yahay
    Waa ninka wasaaradii khayraadka ubixiyay dhaqaalaha buluuga kkkkkkkkkkkkk bal yaa macnayn kara
    Waxaan is iri wabigii sonkorta iyo badii ayaa isaga qaldamay
    Axsan muu yiraahdo khayraadkiyo dhaqaalaha badda
    ileen bada khayraadka kujira ee ugu muhiimsan waa xayawaanaad kala duwan iyo saliid noocay doonto ha ahaatee oo ilaahay kumanaystay

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented