Daawo: Arooskii Ismahan iyo Axmed ee Kulmiyey Reer Hargeisa iyo Buuhoodle, Kaftan, Duco iyo Ciyaaraha Dhaqanka

Buuhoodle  ( Kalshaale ) Waxay ahayd Munaasibad Farxadeed iyo  Madal kulmisay Madaxda dhaqanka iyo Waxgaradka  Magaalooyinka Buuhoodle iyo Hargeisa .

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waa Xafladii Meherka Mudane Axmed Ibraahim Cali  iyo Marwadiisa  Ismahaan Maxamed Aadan….  Oo ka ka Qabsoontay Hotel Rays ee magaalada Buuhoodle.

Lammaanaha isdoortay, ee Nolosha ku midoobay oo ku dhaqan dalka Maraykanka, waxaa Isku Meheriyey Sheikh Cumar Suudaani,  Waxaana intaasi kadib  la guda galay Ducada, Kaftanka dhinaca Dhaqanka iyo isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kalana waxaa Qayb ka ahaa dabaal-degyo Farxadeed oo lagu soo dhowaynayo , Lammaanaha Is doortay,  ee Mataaneeyay magaalooyinka Hargeisa iyo Buuhoodle.

Waxaanu leenahay  , Wadajira oo Nabad Galla .

Warbaahinta Kalshaale kala soo xidhiidh Email: kalshaale.com@gmail.com
<

Hoose Ku Qor Fikradada ( 5)

  1. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Culamadi Barxaadday i saxaay!!! Dadoow Waxaa i dhibta markay dadku dhahaan; “ILAAHEEN waxaan weydiisanayna!!!”≈©≈Ciddaad wax weydiisato AMA waa ku siin AMA waa kuu diidi BALSE waxaa ila quman IN la yiraah;
    “ILAAHOW waxaan kaa baryayna!!!” Taaso ah Dalab kuu maqan, SIDAAN cilmi dhagood ku Hayyana ILAAHEEN SWT WUU kaa aqbali HADDAY wax xalaala jihiin LAAKIIN waxaadan garakarin GOORTA iyo SIDUU kaaga ajiibi. WBT

  2. Baaruud says:

    Dadka inta kaloo dhan si uun baa loo fahmi karaa laakiin kuwa ardaaga geela quraanka ku barta weligaa af garan maysid. Waa Axamed Somali iyo Ali Zubeer oo miidhan.
    Kani wuxuu ka hadlayo bal u fiirsada. Ali Zubeerna waa kii lahaa taalada Cilmi Boodhari loo dhisayo sow dadku caabudi mayaan. Waxa lagu yidhi Qorayshtii ayaa wax sanamyo la yidhaaho caabudi jirtay, markaa wixii guri iyo masaajid aan ahaynba sanambuu moodayaa.

  3. Ahmed Somali says:

    ASC.
    Baaruud, adeerow midee sax AH?; ILAAHOOW WAXAAN KU WEYDIISANA iyo ILAAHOOW WAXAAN KAA BARYA. WBT

  4. Baaruud says:

    CS,
    Wax walba dembibaad moodaysaa, intaad is leedahay dembi ka carar bal mid kale ha gelin. Laba eray oo afsomali ah ayaad leedahay keebaa ilaahay fahmayaa, ilaahay waxaad doonayso wuu garanyaa, xataa hadaadan hadlin oo uurka ka tidhaaho ilaahay waa ka ku fahma.

  5. Hobyo man says:

    Baaruud awoowgay Ahmed somali cimrigii ilowguu gaaray ku waydiistay iyo kaa baryay ilaahay awoow uurkaaguu daalacanayaa ee qurbuhu wuu ku qalqaliyee tuuladaadii u soo xagaa bax




Cabdiraxmaan Odowaa oo Waraysi Bixiyey iyo Weerar uu ku qaaday MD. Farmaajo
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)  Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya ...
Xiisada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose iyo Cabdi Xaashi oo Warqad u diray Madaxwayne Farmaajo (Akhriso)
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Cabdi Xaashi Cabdullahi Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa codsaday in ...
Madaxwaynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhoweeyay Istanbul
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayaa si ...
MUUQAAL: Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacayl iyo DHEEMAN
- Aug 6, 2020
Buuhoodle ( kalshaale ) Abwaan Buuhoodle kasoo Diray Dhambaal Jacay iyo DHEEMAN
Dawladda Somalia oo War Cusub kasoo saartay Shidaalka Somalia iyo Shirkadaha ku Guulaystay
- Aug 6, 2020
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqdo ...