|

TAABIT CABDI oo ka halday Metalaada Gobolka Banaadir la siiyey ! (Warbixin)

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay  ansixinta xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo ay meel-mariyeen Baarlamaanku, Wuxuuna u mahad celiyey xildhibaanada Golaha Shacabka, Wuxuu tilmaamay in la rumeeyey qeyb ka mid ah riyadii shacabka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay tahay tallaabo horey loo qaaday.

“Waxaa rumoobay qeyb ka mid ah riyadii Muqdishaawiyiinta oo mudo duudsaneyd taasoo ah matalaadda Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir. Waa tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qeyb qaadatay rumeynta sadka xaqa ah ee Gobolka Banaadir uu maanta helay.

Laga bilaabo maanta Muqdishaawiyiinta waxaa hortaalla in ay u wada istaagaan sidii loo rumeyn lahaa riyada dhiman ee ah helidda maamul deegaan oo madaxbanaan kana shaqeeya baahiyaha amni, waxbarasho, caafimaad iyo maamul iskufilan oo dadka Gobolka Banaadir sitoos ah ugu adeega.

Soomaaliya maadaama ay qaadatay hannaanka Federaalka, Maamul madaxbanaan in uu yeesho G/Benaadir waa mid dastuuri ah, hadii federaalku run naga yahay.

Waxaa xusid mudan in Guddigii Dib-u-Eegista Dastuurka ee Barlamaankii 9aad ay isku raaceen in nooca maamul ee Benaadir/Muqdisho ay yeelan doonto uu noqdo Gobol Madaxbanaan oo isla markaana ah Caasimadda Dalka (City State), sida magaalada Berlin ee dalka Jarmalka oo federaal ah, waana nooca maamul ee uu mudan yahay Gobalka Banaadir.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=29072

Posted by on Jun 28 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “TAABIT CABDI oo ka halday Metalaada Gobolka Banaadir la siiyey ! (Warbixin)”

  1. Dhismaha Maamulka deegaanka Banaadir shaqo u taalo Shacabka degmooyinka Xamar oo ayagu sameysto Gole ay soo doorteen.

    -Ninkii sugo in Beertiisa loo Falo asagey jirtaa.

    1. Police London
    2. Canshuurta deegaanka London
    3. Gaadiidka London
    4. Jidadka London
    5. Dalxiiska iyo Ganacsiga

    Dhamaan waxaa maamulo Golaha Assembly Greater London iyo Mayor London.

    Taas waaye waxey rabto Xamar
    ( ee Maahan Xamar ayaa laga ceyrin qabiilo gooniya)

    MUQDISHO Assembly maahan Gole Qabiil ee waa Gole DHAMAAN MUQDISHAAWI people.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented