|

Siciid DENI oo magacaabay Saraakiil Ciidan iyo Xogta isbedelka uu sameeyay

Garoowe ( Kalshaale ) Siciid Deni Madaxwaynah Puntland ayaa isbedel kusameeyey Taliska ciidamada Daraawiishta ee Puntland, waxaana xilka laga qaaday taliyihii hore ee ciidanka, iyadoo lagu bedelay Abshir Cabdi Jaamac oo horey mar uga mid noqday booliska Puntland, haddana kamid ahaa taageerayaasha Deni, sida ay cadeynayaan ilo wareedyo taliyaha cusub ayaa xiligii ay dhacayeen dagaaladii Boosaaso, la saftay garabkii PSF ee uu magacaabay Deni.

Taliyaha cusub ayaa kasoo jeeda Beesha madaxweyne Deni, waxaana magacaabidiisu kuso beegantay xili siyaasaduhu isbed-bedelayaan, dhinacyada siyaasaduna is hardinayaan.

Abaanduulaha ciidamada ayaa loo magacaabay Xuseen Faarax Aadan, oo kasoo goostay Somaliland sannadkii 2019-kii, ilaa waqtigaasna sugayey wareegtada magacaabidiisa, wuxu kasoo jeeda gobalka Sanaag.

Wareego:

Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

 Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=59312

Posted by on Aug 31 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Siciid DENI oo magacaabay Saraakiil Ciidan iyo Xogta isbedelka uu sameeyay”

  1. Doqonkan daamamka waaweyn waa born looser!
    tallaabaduu qaadaba fashil bay ku dhammaataa waayo male dhabar adeyg
    wax qabad la’aanta wuxuu ku darsaday dabci xumo, that is my observation!

    Isaga iyo axmed dhuxuleyste waa in meesha la dhaafiyaa!
    dhuxuleyste isagu kaba daran dhamaaska, oo wuxuu inuu waligiis madaxweyne ku sheeg ahaado! geedehoo dhanna dhuxul ka shido, marka dhuxuleyste wuxuu halis ku yahay bay’ada jubbaland, marka the sooner he goes the better!!

  2. Mo
    Deni uma dhamaan waqtigiisii loo doortay madaxweynaha, wixii dhaliil ah waxaa leh kuwii doortay.
    Ahmed Madoobe asaga waqtigiisii waa dhammaaday meel doorasho xalaal ka jirin aakhirka waa burburin.
    Puntland rajo ayey leedahay ee Jubbaland ayaan u baqaa.

    Aniga kuma jiro ragga dhaliilsan Deni, waqtigiisii ayuu ku jiraa in dadaalayo ayaan aaminsanahay.
    Kollay Puntland argagixasii Gaalkacyo iyo Boosaso dadka laynaysan wuu ka qabtay.
    Horumar dhismana meel walba ka socdaa… sida qurxinta Bosaso Airport.
    Watch 4 minutes clip.
    https://www.youtube.com/watch?v=ihGwePtkK04

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented