|

Hargeisa : Xaalada CabdiManaan oo laga dayrinayo iyo Arin Naxdin badan oo lagula kacay !

Laascaanood ( Kalshaale ) Magaalada Hargeisa waxaa ku xidhan Mulkiilaha Astaan Tv,  waxaana laga dayrinayaa Xaaladiisa Caafimaad ,  Cabdimanaan ayaa lagu soo waramayaa inuu u Xidhan yahay Shaqsiyaasad aad ugu dhow Madaxwayne  Muuse Biixi.

Wararka qaar ayaa sheegaya inaan wax dambi ah ilaa hada lagu soo oogin, islamarkaana aan la geyn maxkamad, hadana uu xidhan yahay 20-Casho wax ka badan, waxaana xogta Qaar ay sheegaysaa in lagu haysto inuu Saami/Qayb ka bixiyo shirkadiisa.

Cabdimanan Yuusuf  Maxamed oo ah maamulka guud ee shirkada Astaan ayaa bartamahii bishii hore ee July lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyada oo aysan weli jirin dacwad rasmi ah oo lagu soo oogay.

ciidamada booliska oo ka amar qaadanaya xubno sarre oo ka tirsan xukuumad ayaa Cabdimanaan u geystey jidhdil, taasi oo ah xad-gudub ka dhan ah xuquuqda iyo hab la dhaqanka maxaabiista.

Xadhigga Cabdimanaan ayaa dabo socda cadaadisyo ay xukuumaddu ku saareyso in shaqsiyaad ay wadato uu saami buuran ka siiyo shirkadda Astaan Cable, sida uu dhawaan sheegay Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, Axmed Maxamed Jaamac oo sidoo kalena ah Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee shirkadda Astaan Cable.

Odayaasha iyo waxgaradka Beesha uu kasoo jeedo oo Muqdisho shir ku qabtay ayaa dhankooda Cadaalad darro iyo dulmi ku tilmaamay Qaabka loola dhaqmay Cabdi Manaan, Waxayna ka digeen in Ganacsiga siyaasad la dhexgeliyo.

Waxay sidoo kale Arintan Niyad jab ku tahay Qofka aan u dhalan hargeisa,  ee doonayey inuu Maalgashi ama Ganacsi ka sameeyo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=31154

Posted by on Aug 9 2020. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Hargeisa : Xaalada CabdiManaan oo laga dayrinayo iyo Arin Naxdin badan oo lagula kacay !”

  1. Hablahayagi ay suuqii ka qaadatay.

    1950,gabadhii lagu dilay Hargisa – suuqa Fuckingstreet,taasi ay si xun dileen rag iyo dad abaaulan oo u dagaalamayay gabdhaha Isaaq ee ku jira suuqa.Waxaa suuqaasi ku soo biirtay gabadh yar oo shidan,laakiin aan ka soo jeedin Beesha Isaaq.Gabadhii yarayd ayaa loo soo abaabulay dad dila oo nafta ka jira,laakiiin waa laga soo gaadhay oo may dhimanin.Gabadhii yarayd,oo suuqa socota ayaa lagu bilaabay budad iyo feedh.Dhulka ayaa loogu tuuray.

    Wadanka waxaa haystay Engriiska.Meeshii ayuu yimid Ciidankii Policeku.Dadkii qaarbaa la gartay,deedna waa la soo qabqabtay.

    Waxaa la waydiiyay,sobobta keentay in gabadhan la dilo,oo dad badani iskugu tagaan.

    Dadkii waxay ku jawaabeen in Gabdhani suuqa ka qaadatay Gabdhihii ka soo jeeday degaanka.

    Hablaha yagii ayay suuqa ka qaadatay.
    Dhaqankani cunsuriyada wataa waa mid ka waligii ka jiray Hargeisa.

    Sheekadan waxaa soo tabiyay. oo Badhabaabkii wakhtigaasi maamulayay degaanda somaliland.

    Dhacdooyinkk u soo faragaliyay ayay ku jirtaa.

    Dalmida

  2. Si fiican baad fucking-street uga war haysay, it was good a source of income for the family, wasn’t it?

Leave a Reply to Mr BaHaL

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented