DAAWO: Muqdisho oo siwayn looga Xusay 1-da Luulyo iyo Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgelaya munaasabad haatan ka socota Madaxtooyada Qaranka oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Israacii Koonfur iyo Waqooyi.
“Caawa oo kale 59 sano ka hor, calankeenna quruxda leh ayaa la taagay guud ahaan dalka taas oo astaan u ahayd halgankii gobonnimo doonka ee la soo maray.
Sidoo kale, waxa israacay Gobollada Waqooyiga iyo Koonfur oo gartay in ay midnimadu lagama maarmaan u tahay jiritaankeenna ummadeed.
Marka aan caawa calanka saarayno, waa in qof kasta uu maskaxda ku hayaa inaan hayno dhabbihii aan dib ugu soo celin lahayn sharafkii iyo qiimihii aan ku dhex lahayn fagaareyaasha caalamka.
Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa Maalinta Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur oo si wadajir ah u yagleelay Jamhuuriyadda Soomaaliya. SOOMAALIYA HA NOOLAATO “ Ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo





Short URL: https://kalshaale.ca/?p=8970
Maalintii Xoriyadda waa 26 June
1da July waa Maalintii Midowga Goboladda Koofur iyo Waqooyi.
Waa maalin madow
Aniga su.aalo ayaa igu taagan.
Yaan sheegi karo wexey qabatay nabad iyo nolol?
Ma canshuurihii dalka ayey mideyeen?
Ma ciidan heer federaal ah oo dalka amaankiisa sugi karo ayey dhiseen?
Ma wexey fulisay balqaadkii ahaa in ay Amisom dalka ka saareyso?
Ma dastuurkii qabyada ahaa ayey dhameys tireen?
Ma Wada hadalkii somaliya iyo Somaliland ayey dhameystireen?
Ma alshabaab ayey wadanka ka sareen?
Ma derbigii Kenya ka dhisaysay beledxaawo ayey dumiyeen joojiyeen?
Tageero qabyaladeysan aniga iyo adigaba wax noo tari meyso.
Waxaan rabaa intaas su.aalod wax IIGA jawaabo.
4 sano oo qasaaro ah.
Tariikhda ayay kuciyaraan siwalboy isu yidhahaan wax qariya MA qarsomayso 26 kaxaa xoruyad qaatay somaliland somalia na 1 luulyo markaa markaa laba dal lama ahayn iyo waa lamidoobay kaladaaya
dadka tixgelinaya ama ku hadaaqaya isticmaarba xariiq sameyey waxan u shegaya
dalku isticmaar horti inuu mid ahaa dadkina somaali ahaa somalina ka
koobnayd qabiiloyin qbiilwaliba dhulkisa degana xariiqdi isticmaarku dhigay
waa lamasaay 1960kii dibna loso celinmaayo haku riyoonina inaad raadki laga
tegay berihore dib ugunoqotaan wax lagategay ama lasodhaafay iska ilaaba
somaaliya somaaliba leh waana dal keliya midaysan ninki aan raali ku ahayni
hakadhofo WBT
26 Juun waxaa calanka qaatay Somaliya.Wax la yidhaa Somaliland oo calan qaatay aduunka laguma hayo.
Somaliya ahaan calanka loo qaatay.Dhulkuba wuxuu ahaa dhul Somaliyeed oo isku biiray,1943.
Calanka S Y L ayaa ka taagnaa Somaliya oo dhan,1943kii.Hal wadan ayaa la noqday tii oo wali calanba jirin.
Aqoonsiga dawladnimo ee Somaliya wuxuu dhacay 26 juun 1960.
Wax dambe oo la aqoonsaday ma jiro.
Dadka beenta ha laga daayo iyo jahowareerinta.
Dalmida
labadan nin intay meel iska dhigeen howlihii cuslaa
ee loo igmaday, sida in shabaab ay ka cirib tiraan dalka, nidaamka waxbarashada dalka kor u qaadan, garsoorka oo la dhamaystiro lana xoojiyo, ciidamo qaran oo la dhiso, dastuurka oo la dhamaystiro.
wakhtigooda waxay ku lumiyeen safar iyo dayaarad hadba meel loo raaco, waddo la dayactiray oo ay ahayd in duqa magaaladu furo oo madaxweynihii furayo, khilaaf joogto ah iyaga iyo maamul goboleedyada, iyo in ay ku hadaaqaan slogans aan micno badan ku fadhiyin.
Dalkaani wuxuu u baahan yahay rag fahamsan howsha baaxadda weyn ee hortaalla, kana gabbanin
ee markiiba gudagala kana mira dhaliya, rag aan u baahneyn in la ammaano oo kaliya ujeedkoodu yahay in ay fuliyaan howsha hortaalla kuna dhiirada
hirgalinta sarraynta sharciga, dagaal joogta ah la gala alshabaab illaa laga soo afjarayo.
Wixii aan intaas ahayn waa khiyaali iyo sheeko baraley.
Soomaalidu waa dad si fudud lagu qancin karo iyagoon waxba loo qaban, waa dad ku qanca hadallo raqiis ah oon waxqabad la socon, sida nolol iyo nabad!! iyadoon ognahay in nolol iyo nabad midna aan la hayn.
Soomaalidu waa dad nasiib daran waayo waa dad aan awood u lahayn in dalkooda godka dheer uu ku dhacay ka soo saaran, waa dad aan adduunka saaxiibo ku lahayn, ajnabiga badan ee dalka ku sugan uma joogaan in ay dal u dhisaan ee waxay u joogaan wiiqidda awoodda alshabaab si ay dadkoodu uga nabad galaan, marka alshabaab meesha ka baxaanna dhaqaalaha badan ee sanad walba ku baxa way joojinayaan. markay taasi dhacdana maryooley sidii caadada u ahayd bay iska daba wareegi.