|

XAAF oo ku Wajahan Muqdisho iyo Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya

Muqdisho ( Kalshaale ) Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta gelinka dambe waxaa lagu wadaa inuu soo gaadho Magalada Muqdisho, kadib markii Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado, taasi oo ku aadan in doorasho laga qabto  deegaanada Maamulka Galmudug, si ay dhibaatada kaga baxaan shacabka ku nool reer Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf marka uu soo gaadho magaalada Muqdisho uu kulamo la qaada doono madaxda ugu saraysa dowladda Federaalka.

Xaaf ayaa la filayaa inuu dowladda Soomaaliya kala hadlo fulinta ballamihii la galay, oo ay ugu horeyso inuu qaato lacagtii ay dowladda Soomaaliya kula heshiisay in la siiyo si uu doorasho u qabto.

Madaxweyne Xaaf iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa kulan ay ku qaateen Magaalada Cadaado  lagu kala saxiixday heshiisyo aan saxaafadda lala wadaagin.

Heshiisyadii la kala saxiixday ayaa waxaa kamid ahaa inuu Xaaf yimaado Muqdisho isla markaasna uu la fariisto madaxda ugu sareeyo dalka si loo dhameystiro heshiiska labada dhinac.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay inuu hal sano tagin Muqdisho iyo gurigiisa halkaas ku yaalay taasina ay sabab u aheyd khilaafka kala dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda u muuqdo in xal laga gaadhay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=8937

Posted by on Jun 30 2019. Filed under WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “XAAF oo ku Wajahan Muqdisho iyo Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya”

  1. Ninkasto Cakaaro wuu imaani, sali haloo ag dhigo Odey Faroole.

  2. Dabshid imaam.

    Marka laga reebo ku xirashada xer kablalax. Governo xaaf waa oday rug cadaa ah. Weliba siyaasada uu ciyaara Hadeey u hirgesho heshiiska kheyre cirka ayuu u fiirin donaa. Midda kale ahlusunna walsubagle daaqadda ayuu kala baxay.

    Libaax duqoobay 5 weer ka roon.

  3. NuurkaNederland

    WAR XEEF NABADOON BUU AHAA.
    LKN DFS MADAXDEEDU NABADOON UMA BAAHNEE HABAAR QABE BAY U BAAHAN YIHIIN.
    AMA MID LIITA OO SIDA KA K/GALBEED & HIRSHANBEELE OOKALE AH BAY U BAAHAN YIHIIN OO AY ISKA WADWATAAN
    “NAAGAHAAN DHANKII LOO ROGIYO DHINACNA DIIDAYNE”
    “DHADIGOODSHAHAA LAGU ARKIYO DHIIGA CAADADA’E”
    “HADAYSAN DHIILKA CAANAHA LAHAYN LAGUMA DHAARTEENE”…..(XILAHAY FURAN LAMA
    DHAHEEN).CALI DHUUX AADAN.

  4. Oday Xaaf wax ayr oo lacagt ah hala siiyo.
    Halkaa haku yareeyo qaylada.

    Xaaf iska bashaal.

    Dalmida

  5. Uma maleeynayo in ninkaan daanyeerka ah ee ra’iisalwasaare Kheeyre, iyo heshiiska beenta ah ee munaafaqnimada ah ee uu lagalay shiicada Dhuusamareen joogta, iyo odaygaan nacaska ah ee Xaaf, walaa kan caqliga xun ee madaxweeyne Farmaajo in eey xalin karraan dadkaan daanyeerta ah ee kunool Galgaduud iyo Mudug, iyo nacasnimada markii horraba dhigtay in eey kunoolaadaan meesshaas, oo waliba eey isku dilaan, oo waliba eey been been iyo Habargidir bug ah iskula socdaan.

    Maya, lama gaarin waqtigii dadkaas cawaanta ah eey dantooda garan lahaayeen.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  6. Cadaado
    kkkkkkk
    Maalin dhaweyn waxaan arkayey page hoose Khayre oo koofiyad kaabo qabiil Cadaado u xirtay Hiraab iyo Habargidir…Afar qooblow ashahaado..kkkkkk
    Waa cadayn in Hiraab jabay…
    Cali Dhuux Adan oo Ogaden maagaya, gabayadii Guba, ayaa wuxuu yiri: Ogaden sow sida Darwiishkii Isaaq duubcad uma qaadan..kkkkkkk
    Khayre sow kan Hiraab koofiyad Suldaan u xirtay Cadaado..
    Diradire maaha waa calaamad xuduus mudan…oo loogu talo galay Hiraabka..kkkk
    Koofiyadda kaabo qabiil uma xiran Puntland, Why Cadaado ugu xirtay… do you miss that picture?
    kkkkkkkkk🤙

  7. Land of punt,
    aaway safarkii aad laheeyd waan aadi? kkk, meeshaan in warkugu dhaafayo miyaad u maleeyn?

    Anniga qofkii qarxaya, iyo qofkii suuxaya wax iga galay malaha, waxaanba kuu sheegi in eey markii horeba been aheeyd waxaan beenta ah ee Habargidir layiraahdo. Waa uun dad waa wax la dhacayay, amaba la kufsanayay sheegtay qabiilkaan, oo markii faa’iido laga heleeynin eeysan jirrin ku kala tagay. laakiin, dadka Somaliyeed oo aqoontooda hooseeysa ayaa wali ku dhagan waxaas waqtiga lagusoo moodayay/gudbayay.

    Anyways, waxaan kuu sheegi, in ninkaa Murusade uu dan leeyahay isaga iyo Cali Dheeraha argagixisda alshabaab, in eey guud ahaan Habargidir ka’aargutaan wax horray u kala gaaray, gaar ahaana waliba qabiilada Ceeyrka iyo Sacadka. Annigana waan ku taageersanahay middaas ninkaan Murusade. Maxaa yeelay dadkaas markii horeba waxba iskuma aheeyn.

    Laakiin, ra’iisalwasaare Kheeyre iyo Murusade, iyagana markooda ayeey ku’imaan “cycle” wareega, waa hadii uusan cadaalad fallin, oo intii loogu geeyay middida iyo waranka, in ka dheer uu ugu geeyo daanyeertaan. Karma is a bitch. Gacanta Ilaaheey waa dheertahay.
    Dalmida.
    God bless Somalia.

  8. Cadaado
    Sxb insha Allah talaada bixin.. Beri Isniinta ii hartay..
    Dee hadaan waqti helane waa aqrin Kalshaale waa ku hastaa, asxaab wada doodno ku jira..
    Meelaha kale Facebook, Yutube etc iiguma baxdo.

  9. Cadaado
    Intaa Kalshaale ku mashquulin waxaa active ka ahaan jirey oo dood culus page rasist Swedish iyo Scandinavian soo galaan oo muslin iyo Somali eber looga dhigo, aniga af Engris, Denish iyo Swedish sida caadi ahayn u aqaan, waa dad la noolaa ilaa 1984 oo Jaamacad uga baxay oo xitaa ka qabo..caan baan ka ahaa webkaas..
    Waxaa igula jiray wiilal iyo gabdho Somali ah oo qatar ah, gaalada cunsuriga digada ka dhiga..
    Aniga ma ogeyn ileen waxa meesha kula doodo waa ciyaal inta badan..
    Mid nafta kii keenay baan ku iri:, inta asaga is kashifay hadda ka hor oo tuulada degen yahay sheegay, malaha wuu ilaaway..
    Maalintii dambe ayaan ku iri adiga waa ku aqaan sow xaafadaas ma degenid oo hooyada Monica lama yiraado..
    Wuu naxay oo gariiray, waxaa ku iri, habeen dhaweyd adoo weliba jooga oo guriga hurda ayaa hooyadaa afka wasay…..walaahi markaas oohin iyo sidee hooyaday neger u wastay, waligey salaami maayo berina guriga ka guurin… Kkkkkkkkkkk
    Kaadidii ayaa iga dhamaatay, week dhan webbka waxkalaba lagama hadlin in LOP reer dhan isku diray…
    Hadda webbkaas waa iska dhaafay markii ogaaday in ciyaal skin-head ah yihiin..kkkkk
    Hadda Kalshaale waa in ka nasto at least 3 weeks.
    In afsomali wax ku qoro waa ka helay, murtidayda ku xoojisan..
    🖐🇸🇴🖐

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented