MUUQAAL: Xukunkii lagu Riday Ragii Diley Caasha Ilyaas iyo Racfaan kale oo laga diiday & Waxa dhacay [Daawo]
Garoowe ( Kalshaale ) Maxkamada Rafcaanka gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xukun dil ah ku xukuntay saddex nin oo loo haystay kiiskii kufsiga iyo dilka ee lagula kacaya alle ha u naxariistee Caa’isho Ilyaas Aadan oo ahady gabar 12 Jir ah.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Maxkamada rafcaanku waxay ku raacday go’aankii dilka ahaa ee ay gaartay maxkamada derejeda kowaad ee gobolka Nugaal Bishii hore ee May.
“Maxkamadu waxay diiday rafcaankii ay soo qaateen rafcaanlayaasha kala ah c/fitaax c/raxmaan Warsame, C/shakuur Maxamed Diiriye iyo C/salaan C/raxmaan Warsame, Maxkamadu waxay ayiday xukunkii maxkamada derejeda kowaad ee soo baxay 16kii bishii 5aad” sidaas waxaa yiri Garsoore Abukar oo go’aanka maxkamada akhriyay
Muddo bil ah ayaa u furan eedaysanayaasha inay Rafcaan kale ka qaataan go’aanka Maxkamada rafcaanka ee gobolka nugaal, iyagoo rafcaan u qaadanaya maxkamada sare ee Puntland oo ah tan ugu dambaysay Maxkamadaha dalka.
Caa’isha Ilyaas oo 12sanno jir ahayd ayaa lagu kufsaday Magaaladda Galkacayo, waxaan kiiskeed loo soo xirxiray 10 dhalinyaro ah, hase yeeshee Maxkamada gobolka Nugaal ayaa 3 nin ku xukuntay inay ka dambeeyay kufsiga iyo dilka Caa’isha, waxayna ku xukuntay dil.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=8927
Majeertenku imtixankan kiiska caa isho haduu kagudbo dowladnimada uu sheegto waxbaa kajira.
Hala xansuuqo dhagar qabayaasha inay inta noladaanba maahayne
Qofna madhaafo maalintisa hala qisaaso si logu
Quusqaato WBT
They are dead man walking!
Their days are numbred..!
Wiilashaan ilaahay hooyadii 9 bilood calool ku siday oo foolatay iyo aabihii koriyey haka samir iyi iimaan haka siiyo.
Waan hubaa in la qisaasin..!
Xoogaa qancin xagga sharciga ehelkooda ayaa socota, in la tuso in dambiga ku cad yahay…
Waana sharci aduunka ka jira in maxkamado kala sareeya abiil laga qaato ilaa albaabka ugu dambeeyey kasoo xirmo..maalintaas waa tiirka.
Wiilashaan midna gabadha waa jilibkeeda hoose labana waa aniga jilibkayga…..Kulli marxuumadda iyo wiilasha wada Majeerteen.
Wiilasha dambiyey galeen laga gudin.
Waa tragedy labada family ku dhacday, waxaana eeda leh, wiilashaan la iska dhalayo oo waxa nolosha tahay la barin oo markay qaangaareen guska la ordaya…..!
No winners here. Wiilal yaryar iyo gabar yar oo kulli aakhiro u jahaystay…calool xanuun
Nimankaas haddii dambigii ku caddaatay hannala dhaafiyo…who cares waxay yihiin…adeer sharcigu waa inuu shaqeeyo…sharciga waa in lagu gubtaa…markaas baa laga leexanayaa…waxay u egtahay in Puntland imtixaan adag ka gudbayso….