|

MUUQAAL: R/wasaare Khayre oo soo Xidhay Imtixaanka Shahaadiga ee Dalka

Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaraaaha Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka waxbarashadda ayaa soo xidhay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo si guul iyo nabad-gelyo ah kusoo dhamaaday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa booqday Xarunta Gaheyr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socoday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.

Kheyre ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna  ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan  si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo sannadkaan ay ka qayb galeen  31,258 arday ayaa waxa uu si isku mid ah uga socday magaalada Muqdisho iyo goballada dalka laga soo billaabo 27/05/2019.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=6655

Posted by on May 31 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, VIDEO, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented