Daawo: Dagaalka Warbaahinta Kenya ee Soomaaliya Iyo Sawirka Amiin Caamir
Nairobi ( Kalshaale ) Tan iyo markii ay Bilaabatay Xiisada u dhaxaysa Somalia Iyo Kenya Warbaahinta ugu caansan dalka kenya ayaa Bilaabay Dhaliilo kala duwan oo ay u jeedinayaan Soomaaliya.
Wargeyska The Star ee ka soo baxay dalka Kenya ayaa shaaciyay in lacag gaareysa $1.7 million lagu qabtay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta habeenimadii Isniinta, Wuxuuna sheegay Lacagta inuu leeyahay sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka dowlada Soomaaliya oo aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wararka ayaa sheegaya in lacagtan ay markeedii hore ka timid dalka Ethiopia, waxaana watay sarkaalka ka tirsan Sirdoonka Somalia.
Ilo kala duwan ayaa sheegaya in lacagta la qabtay uu waday C/llaahi Kulane oo ka mid ah Saraakiisha NISA, kuna dhow Madaxweyne Farmaajo.
Tallaabada ay Wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya uga mamnuucday in dalka Kenya la soo geliyo xamuul aan cidna la socon ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay kadib markii la qabtay lacagtan.
Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir ku muujiyey Warbaahinta kenya iyo Arimaha ay ka Qorayaan Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=6630
KENYA HALOO SHEEGO BARARAKHDAAS IN AANU KU ILAAWAYN NFD.
NFD WAA LASOO CELIN INYAR BAA NOO HARTAY,
“AMAAH KUGU RAAGTAY YEDDAA BAAD MOODAA”
WAXAAN KU KALSOONAHAY KENYA INAYSAN WAXBA NAGA HAYN KARAYN,IYANA WAA OGTAHAY SABABTA BADDA AY UGU MURMAYSANA WAA SOMALI HA ILOOWDO NFD,MA ILAAWI DOONO,
“(N.F.D.) WE NEVER FOR GET”
OK.
HA ILAAWIN,FURA INDHAHA:-
ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
ISIS WORK=GREATER ISRAEL PROJECT & PLANS,(PLAN 1980).NO WORK.
MOSSAD FINGERPRINTS ON PARIS ATTACK’S.
ISRAEL DID 9/11,PROOF.
ALSHABAB+CIA+SIS-MI6+AMISOM+UNSOM=ONE.THEY ARE DEALERS,QANDARAASLAYAAL.FURA INDHAHA