|

Muuqaal: Shirka Sucuudiga ka Furmay iyo Wafdiga dalka Qatar uga qayb galay

Riyaadh ( Kalshaale ) Waxaa maanta magaalada Makkah Al Mukarama ka furmay shirkan socon doona sadex maalmood oo uu Boqorka Sacuudiga isugu yeeray hogaamiyayaasha dalalka Khaliijka iyo Jaamacada Carabta si ay uga tashadaan xiisada gobalka gaar ahaan dalka Iran.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay shirkan ku casumay Dowlada Qatar kadib xiriir toos ah oo dhexmaray Boqor Salmaanka Sacuudiga iyo Amiirka Qatar Tamim Al Thani oo isagu ka gaabsaday inuu shirkaasi tago, balse wafdiga Qatar ee maanta tagay Sacuudiga ayaa waxaa hogaaminaya Raysalwasaaraha Sheikh Abdullahi bin Nasser Al Thani.

Dowlada Qatar ayaa hada waan waan ka dhex-wada Iran iyo Maraykanka oo isagu ka codsaday xulafadooda Qatar inay qaboojiyaan xiisada taagan, balse macada in Sacuudiga iyo Imaaraatiga ay ogolaan doonaan kalsoonida uu Maraykanka siiyey Qatar, waxayse tahay markii ugu horeysay oo uu wafdi heer sare ah oo ka socda Qatar tago wadanka Sacuudiga tan iyo intii xayiraada la saaray.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=6586

Posted by on May 30 2019. Filed under MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Muuqaal: Shirka Sucuudiga ka Furmay iyo Wafdiga dalka Qatar uga qayb galay”

  1. NUURKANEDERLAND

    WE ARE SUNNI MUSLIMS,BUT,WE ARE IRAN!.
    MA AQBALI KARO IN AANU TUUL U NOQONO YUHUUD & MARAYKAN RABA INAY IRAN DHIBATEYAN,
    UAE & SACUDINA WAA UUN MID KA MIDA XAASASKA MARAYKAN EE KHALIIJKA.
    LAM YAQBAL.
    NO WAR FOR(………).

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented