SHIL GAADHI oo Naxdin badan oo ka dhacay Duleedka Garowe, Dhimashada iyo Dabkii ka dhashay [Daawo Sawirro]
Garoowe ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khasaaraha ka dhashay Shil Gaadhi oo Naxdin badan kaasi oo Xalay ka dhacay Tuulada libaaxa oo 90km u jirta magaalada Garoowe , Wuxuuna Sababay dhimashada labo qof.
Shilkan waxaa uu ka dhashay ka dib markii baabuur nooca Xamuulka qaada oo ka yimid dhinca Garoowe uu dusha ka maray Baabuur yar oo wateen labada marxuum ee shilka ku dhintay oo kala ah Maxamed Maxamuud Diiriye iyo Cabdirashiid Yaasiin, Dhalinyarad ayaa yimid dhinaca magaaladda Qardho.
Shilkan ayaa sidoo kale sababay in dab qabsado gaadhiga yar, kadib u gudbay gaadhiga weyn, Sida ay Muujinayaan Sawiro laga soo qaaday Wakhtigii uu shilku dhacay iyo maantaba.
Dhinaca kale, Roob ayaa shalay galab iyo xalay ka da’ayay degaanadda gobolka Nugaal oo ay ku jirto caasimadda Garoowe, Waxaana Dhalinyaraddu inta aysan Shilka ku Geeriyoon Muuqaalo Toos ah ay kasoo galeen Baraha Bulshada, Xiligaasi oo Jidka ay ku socdeen oo Roob ka da’ayey.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=6531