Madaxwayne Xasan sheikh oo Booqday degmada Aadan Yabaal markii ugu horaysay
Muqdisho ( Kalshaale ) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gadhray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, saraakiisha Ciidanka iyo qeybaha bulshada.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira mid uu ugu guur-galayo xaaladda degmadaas oo in ka badan 15 sano saldhig weyn u aheyd kooxda Al-Shabaab, waana markii ugu horaysay ee uu booqdo Isagoo Madaxwayne ah.
Waxaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay ammaanka degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga madaxweynaha waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona waxgaradka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto talooyinka ay qabaan.
Aadan Yabaal ayaa waxaa markii la xoreeyay horay ka booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.
Waa markiisii koowaad ee uu madaxweyne Xasan tagayo Aadan Yabaal kadib markii dagaal looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay howlgallada ka socda Hirshabeelle.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64833
Maasha’Allah, waa arrin wanaagsan in madaxweeyne Hassan Shiiq tago degmadda Aadan Yabaal oo ah daldhugii weeynaa ee argagixissada alshabaab iskugu xirri jirray Gobillada Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug. Maantay in eey xor tahay waxaa madahdeeds leh kow Allah swtc, madaxweeyne Hassan Shiiq, ciidankanxooga dalka, iyo takiyahooda qaasatan general Biixi, iyo ciidanka mujaahidiinta macawiisleeyda.
Aan ku wadno pressure ka iyo caddaadiska dagaalka khawaarijta argagixissada oo aan xorreeyno Ceelbuur iyo Galbeedka Hiiraan, kabacdina deegaandda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Guusha waa dhowdahay. Yaanan landeexan bisha Ramadanka ee barrakeeysan, oo jihaadka lagulla jirro argagixissada alshabaab markaan ayuu kheeyr baddan yahay. Sidoo kale, roobka gugga yaannan loo joojin dagaalka ee halagu waddo caddaadiska dagaalka argagixissada. Guul iyo gobbanimo.
Dalmida
God bless Somalia 🇸🇴