Heshiiska Maraykanka iyo Canada ee Muhaajiriinta oo dib loogu celin doono Maraykanka (Dhegayso)
Muqdisho ( Kalshaale ) Dawladaha Canada iyo Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis ka gaareen waxa laga yeelayo soo galootiga sida sharci darrada ku galaya dalalkooda.
HALKAN KA DHEGAYSO
Heshiiska ay gaareen ayaa lagu magacaabaa heshiiska dalka saddexaad ee nabdoon, kaasoo soogalootiga faraya inay iska dhiibaan dalka ugu horreeya ee nabdoon ee ay tagaan, halka ay dal kale uga sii gudbi lahaayeen.
Dad badan oo Soomaalidu qayb ka tahay ayaa mudooyinkii dambe siwayn tahriib ugu gelayey dalka maraykanka, iyadoo qaarkood ay uga sii gudbeen Canada, Waxaana tallaabadan qayb ka tahay qorshaha la doonayo in lagu yareeyo qulqulka muhaajiriinta, iyadoo Canada ay dib ugu soo celin doonto Maraykanka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64817