|

Ciidanka DF Somalia oo toogtay Rag qorshe yaab leh ka waday Muqdisho

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo ka tirsana kooxda Al-Shabaab.

Ragga la dilay ayaa ku hubaysnaa laba qori, waxaana la sheegay inay isku dayeen inay dhibaateeyaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale ciidanku waxay gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj ay saaraayeen ragga Shabaab-ka ahaa ee maanta lagu dhex dilay suuqa Bakaaraha iyo Darawalkii Mootada u waday.

Waxaa la soo bandhigay sawirrada meydadka ragga la toogtay, oo ku hubeysanaa qoryo AK47 ah, ma cadda in la dilay darawalkii mootada ku waday ragaan yo nolosha lagu qabtay.

Kooxdaan waxaa la sheegay inay qalqal gelinayeen ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha oo sida la sheegay ka cagajiiday inay canshuur siiyaan kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo gudaha kooxda, hadda Al-Shabaab waxay wajahayaan dhaqaalo darro weyn, kadib markii ay cunaqabateyn adag saartay dowladda Soomaaliya.

Kooxda ayaa laga xiray dhamaan akoonadii lacagta loogu diri jiray, waxayna ganacsatadu fursad u aragtay in Al-Shabaab aysan la heyn akoon lacag loogu diro, halka kooxdu ay dooneyso in lacagta siyaabo kale loo siiyo.

In kastoo xogta canshuurta weli la siiyo kooxda ay aad u yartahay in la helo, hadana ganacsatada qaar waxay ku doodeen, in lacag kaash ah aysan bixineyn, halka Al-Shabaab-na ay ku adkaatay inay helaan akoon ay ku aamini karaan dhaqaalaha soo gala.

Xeeladaan cusub ee askarta hubeysan ay ugu soo direen suuqa Bakaaraha ayaa la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay kaga danleeyihiin cabsi gelinta ganacsatada ka cagajiideysa inay bixiyaan dhaqaalaha ay bil kasta soo dalbato kooxda Al-Shabaab.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64811

Posted by on Mar 24 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Ciidanka DF Somalia oo toogtay Rag qorshe yaab leh ka waday Muqdisho”

  1. Alshabaab waa koox ay dhashay Mooryaantii Ilma Usc,Mooryaanta Ilma Usc waxa dhalay Usc oo ah Ilma Hawiye.Ilma Hawiye waxa dhalay Somali – Aka Maryoole.
    Aabbaha qudhunka,geerida iyo gaajadu waa Somali.

    Kan qoriga la ordaya waxaa dilaya mid kale oo danahiisa u sita qori.

    Isku soo wada duub oo waxa socdaa waa dagaal hunguri oo Maryoolay caam yeelay.Waa dagaal ka socda Zeylac ilaa Raaskaambooni.Magacyada uunbaa kala duwan e waa isku dad iyo isku dal.

    Yeelkeed e midna ma gaadhayo guul,saa dhammaantood qaxdaro ayay ku socdaan.

    Dagaalka hungurigu waa mid aan lahayn meel uu ku dhamaado iyo jaho loo raaco.

    Dalmida

  2. Muqdisho waa meel masiibo ku dhacday! dhiig badan oo xaq darro lagu daadiyey
    iyo dhac iyo bililiqo, dad waxaa jooga ay ugu badiso fawdada iyo dowlad la’aanta
    al-shaydaankuna kuwaasay qayb ka yihiin, kaliya shaatigaa kala duwan!

    Maantana waxaa madaxweyne ah ma gudbe xasan qoslaaye! oo aan ka dharagsanahay wuxuu yahay !! dhul boob, badar iyo beeso weeye hal ku dhaggiisu!

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented