Wararkii ugu danbeeyay Baardheere iyo dad ka badan 20-Qof oo ku geeriyooday (Sawirro)
Baardheere ( Kalshaale ) Xaalad naxdin badan ayaa ka taagan magaalada Baadheere ee Gobolka Gedo, Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday , boqollaal kalana way ku barakacayaan, halkaa oo labadii toddobaad ee u dambeeyay uu ka da’ayay roobabkii gu’ga, waxaa sidoo kale magaalada ku fatahay wabiga Jubba.
Xildhibaan Abdullahi Aaden Kulane ayaa ka warbixiyey xaalada Baardheere, wuxuuna fariin u diray Madaxda DF Soomaaliya.
“Waxaan ka tacsiyaynayaa dadka ku shahiiday musiibada fatahaada ka dhacday Deg. Baardheere oo gaaraya 21 qof, in badana ku barakicisay.
Waxaa cajiib ah in aysan xukuumadda Federalka ah ee maanta jirta Af iyo adin midna aysan ka jawaabin musiibadaas baaxadda wayn.
Dowladda Federaalka ah waxaad moodaa in Baardheere aysan u tirsanayn. Waxaan ugu baaqaya Madaxda Dowladda Federaalka ah inay musiibadaas si deg deg ah uga jawaabto, hadii kale waxay noqoneysaa daanno wayn oo dadkaas lagu fiirsaday.
Waxaan ku baaqayaa dadka deegaanka dal iyo dibadba in la isku tashado oo dadkaas dhibaataysan oo barakacay gargaar lala gaaro.
Ilaahay raxmadiisa hasiiyo dadka ku shahiiday biyahaas daadka ah.





Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64802
Allow u naxariiso Muslimiinta
Marna waa Abaar iyo Oon
Marna waa Roob iyo Fatahaad.
Allow u naxariiso Soomaaliya
iyo Somalida meelkastoo ay joogto
Allow sigaar ah ugu Naxariiso
Magaalada Mogadisho
iyo dadka kunool
Aamiin
Aamiin allaha ha u naxsriisto mar waa abaar mar waa colaad mar waa daadad
Somalia dhul gariir ayaa udhiman inta umadaha lagu halaago.
Daahir calasoow muqdisho dhib aan mooryaantii 91 ku habsatay ahayn kama jirto
Dalka burbursanna caasimaddaa usabab ah ku soo noqda dhulkii aad deegan ulahaydeen ee aad ka kayaacdeen 91kii 33 sano idinku filan
Dawladnimadii somalia waxay maraysaa maantay
Askariga xooga dalka ee ku dhinta difaaca masjid cali guduud xuquuq ayuu leeyahay askariga kudhinta difaaca laascaanood xuquuq maleh.
Waa wadan isku rogay Haiti
Haiti and somalia are similar.
In la badbaadiyo ha joogtee, xataa lagama digin, dad aan capacity lahayn abaar iyo roob midna iska difaaci karin! kuwa saadaasha hawada gacanta ku haya waa in aqoontooda kor looqaado, waxaa kaloo jira wasiirka cimilada, shaqadiisu maxay tahay?
Dad iyo dal baaba’ay !! tabar iyo talo midna lama hayo! waa dal ilaahay mooye cid u maqani jirin! waa dal gurmad joogto ah u baahan!! nin south African ah baa iyadoo AU-da lagaga hadlayo xaalka soomaaliya baa wuxuu yiri “ Somalia is an orphan it has no friends to give them a hand, it has been without government for a long time and world jus watched “ nin kaasi run buu sheegay!!
Sixid
World jus watched = and the world just watched !!
Magaaladaan baardheere
Waa magaalo qadiimi ah
Waa magaalada jubaland isku xirta
ilaahooow jubaland hogaamiye caasimad qaba ukeen
Dhul barwaaqa ah oo aan lahayn hogaamiye
Aduunyo
Reer jubaland fariin axmed wuu nadhaafi sanad kabacdi
Walaalahayoow nin culus aan keensano
Oday axmed jubaland dan kama laha
Waa run
Hada axmed madoobe wuxuu dawladiisii oo dhan kadhigtay wada mareexaan
Wasiirka amniga gen.dhuumaal reer axmed
Wasiirka arimaha gudaha dr oogle reer talxe
Kuxigeen duqa kismaayo reer siyaad ugaas diini
Waa flim cusub kkkkkkk axmed madoobe hadii laga adkaado waa soomaaliya oo burburtaye iska daaya
Rag mareexaan ah oo udhow axmed madoobe waxay sheegeen inuu wiilkii uu abtiga u ahaa ee maxamed siyaad bareejeeyo
Axmed madoobe iyo maxamed siyaad bare
12 sano ayuu axmed maraayaa waxaa udhiman sagaal sano markaa 21 sano kkkkkkk axmed caadi maaha
Allaah haw naxariisto dadkaa masiibadu ku dhacdey