Faysal waraabe oo si yaab leh uga hadlay markale Arinta Laascaanood
Hargeisa ( Kalshaale ) Faysal Cali Waraabe oo horay ugu taageeray Muuse Biixi dagaalka uu ku qaaday magaalada Laascaanood, ayaa hada si ka duwan arintaasi markale uga hadlay..
“Wax Muuse Biixi sameeyey Somaliland oo dhan yaan dusha laga saarin- Nabadda ha laga shaqeeyo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe ayaa yiri oo horey ugu taageeray Biixi colaada Laascaanood, kuna booriyey bulshada in laga qeybgalo oo ciidamada Somaliland Muqmad/Oodkac lagu garab istaago.
Mr, Faysal ayaa maalmo kahor intii aysan dagaaladu sii durkin, sheegay in dhankooda UCID lagu baxsado maalinta ay adkaato, lana difaacayo ahaanshaha Somaliland, oo uu xiligaas sheegay in Argagixiso iyo qabaa’ilo kusoo duuleen.
Ciidamada ayuu sheegay in lageeyo goobo laysla ogol-yahay si nabadda loo xaqiijiyo hadda, balse maalmo kahor wuxuu sheegay Faysal Cali Waraabe in aysan marnaba dhaceynin in ciidamada SL taako laga saaro goobaha ay hadda gobalka Sool kaga sugan yihiin, ayna difaacayaan Qaranimo.
“Qabiilka in la isku garto, oo la isku ixtiraamo ayay ahayd ee in la isku dilo maahayn.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
“Wax awoodda leh Laascaanood hadda garan mayno midda kale Jin iyo Jaan baa kasoo buuxsamay reero reero baa loo soo baxay dadkii reer Laascaanood hadda taladooda gacanta kumaba jirto Faysal Cali Waraabe

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64800