Maxaa ka dhalan kara Colaada Laascaanood ee isku badashay Harti iyo Isaaq ?
Laascaanood ( Kalshaale ) Labadan sawir mid waxaan ku qaaday kamarad 24 ah, midna kamarad 36 ah, dadka sawiradaa ka muuqda kuwa waxay ku xijaabteen colaado siyaasadeed oo qabiil lagu huriyey, kuwana weli waa nool yihiin.
Sawirka hore waa aroos Habarjeclo iyo Dhulbahante oo Burco xilligaa ka dhacay, laakiin intii u dhaxaysay 1986-1996 waxaa dhacay colaado badan oo lagu riiqday, gaadhigaa dhaynaha ah waxaan ka soo raacay Yiroowe, waxaana u socday Laascaanood intii aan jidka ku soo jirnay oo aan shidhka saarnaa waxaan xasuustaa doodii na dhex martay darwalka oo aanu isla Jaamac Siyaad ahayn, doodayadu waxay ahayd colaada markaa taagnayd oo ahayd mid u dhaxaysay Garxajis oo dhinac ah iyo suuf alool ama marya alool oo ay hormuud ka ahaayeen Habarjeclo iyo Habar Awal, Burco waxay ahayd goob lagu kala guuray, ula jeedka safarkaygaasi wuxuu ahaa in aan guriyagii soo arko oo aanan muddo dheer arag, waxaa lay sheegay in aan food la gelin karin guriga oo weliba Maxadka ku yaalay daanta ugu sokaysa ee Burco laga galo.
Doodii na dhexmartay darwalka waxay ahayd colaadihii ka horeeyey tan hadda taagan maxaa laga faa’iidey, haddiiba maanta Oodweyne iyo Yiroowe la kala fadhiyo Burcana cidla tahay, xilligaa waxaa qayb weyn ka qaatay colaadaasi in ay dento ergo Dhulbahante ah oo ay hoggaaminayeen madax dhaqameedka Dhulbahante. Ula jeedka doodu waxay ahayd maxay SNM u dagaalamaysay haddiiba maanta reerihii SNMtu dirirayaan.
Colaadda hadda taagan ee wajigeedu noqday mid Dhulbahante iyo Isaaq u dhaxaysa, Dhulbahante tolkii Harti garab ka helay, halka ay maanta joogto in aanay ka sii darin oo nacaybka iyo xasuuqa taagan hakin karaa waa beesha Isaaq oo caqliga iyo xikmada dib u adeegsata, sida muuqata Habar Awal dagaalkan waxay garowsadeen in aanay dani ugu jirin in uu sii socdo, sababtoo ah dhaawac dhinac walba ee soo gaadhay “Somaliland” tii tuunbadu ugu jirtay ee ay kaligood qaybta Libaax ka heli jireen waa mid aanay ka soo waaqsanayn, Garxajisna hore ayuu u dareemay in colaadani wax walba burburinayso, waxayna usha ka qabteen badhtanka. Xilligan waxa farta lagu fiiqayaa waa Habarjeclo oo ragga colaada hurinayaa u badan yihiin Maxamed Abokor Saleebaan Gaal, Maxamed Kaahin iyo Cali Mareexaan, Muuse Abokor iyagu waxay aaminsan yihiin madax dhaqameedkoodu in wiilasha laga soo saaro colaada aanay dani ugu jirin.
Halkaa markay marayso saaka waxaa is horfadhiya Isaaq Abaabulan iyo Harti Abaabulan, colaada oo halkan ka gudubtaana waxay noqonaysaa mid gubta dad iyo duurba inta ay hadda gubtay marka lagu daro waa mid aan waxba reebayn, dani uguma jirto labada dhinacba in colaadu sii socoto.
Qodobka uu Faysal Cali Waraabe ka dhawaajiyey ee ah in ciidanka jooga Goojacade la geeyo goob laysla gartay waa iftiin god mugdiya ka soo bidhaamaya iyo bilow garasho oo xagjirkii Hargeysa ee hore u aaminsanaa in aan talaabo xagga nabada loo qaadin caqliga adeegsadeen. Waa waajib in caqligu shaqeeyo dadka labada dhinacba xog ogaalka u ahna taladooda la qaato dhallinta goobta ku le’enaysana la badbaadiyo oo ciidankan la guryo celiyo.
Asad Cadaani Ibraahim


Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64791
Idaa iyo inabad gelitoona nabad laguma helo
Aan isdayno iyo aan isnabad gelinaa reer lagu dhaqdaa
Mana aha wax iidoor ugaara ee bani aadamka waa daciif
Haduu umaleeyo inuu kaa tamar roon yahay waa sidaas
“Geeso dhiiglaa ina rag kaa dhacsha” anaa ku idhi.
Faysal dhurwaana dhimashadaa reerkooda gaadhay.
Sida sharcigaa
Ciidamadu waa inay ku ekaadan
Xeryahooda
Shacabkuna ku ekaadan
magaaladooda
Xabbadana waa in la joojiyo
si shacabkii qaxay ugu
soo laabtaan guryahooda
Nabaddii iyo horumarkii horey
uga jiray Laascaanodna
halkii looga sii wado.
– Tayo iyo Tamar Harti ama Daarood
hadduu jiro 3 bilood kabadan
ayay Daarood joogeen ama
dhaafiwaayeen
BABACA BUURTA MAGAALADA
Korkeedaa
* Nabad ayaa
naas la nuugo leh
Dabshid
Xerada aad leedahay ciidanku ha joogo ma hooyadaa baa leh?
Tan kale waa adiga leh sadex bilood baala dhaafiwaay, imisa iidoor meesha joogay oo difaacyo ka samaysanayey ma si fudud baa dagaal loogu kala guulaystaa.
Waa imaan in ay ka huleelaan ee ha sugi waayin.
Wiil hiraab
Dhulbahantaba wali hubkiisii ma isticmaalin kkkkkk
Gabaygii daarood ku fuul
https://fb.watch/jtbro0MEop/
Axmed Bajaad
Amma Gabay Waa Hore Ah So Qaado
Amma Hooyo Caay e Waxa Leeyska
Rabaa Mar Hadi Sida U imaam Dabshid
Sheegey Daarood Hadi Ay Xaaka iska
Riixayeen Mudo 3 Bilood Ah Taakana
Horey u Qaadi Waayeen in Ay iska Tuugaan
Isaaq Si Ay Guryahooda Ugu So Noqdaan
Sidaani Si Maahin Daaroodna Tabar Ma
Hayo
Waliba waa Sidaaso Isaaq Aysan Wali
isticmaalin Hubka Culus iyo Diyaaradaha
Daronta Ah o Beryahanba Dul Heehabayey
O Sawirada Ka So Gudbinayey Ciidamada
Daarood iyo Hubkooda
Wiil hiraab aka huuraale
Cuqdad iyo nacayb yaad wax ku yeeli?!
iidoor meeshaan la rabnay bay taagan yihiin!
Naagtii somaliland la baxday way ku daysay!! waa kuwa dumarkoodu barooranaya min hargaysa burco ilaa barbara !!
iidoor dhulbahantaa qaawiyey! aaway xuduudkaan soo xidhaynaa?
aaway jamhuuriyaddii badhida waynayd?! aaway garoowaan qabsanaynaa?
waxay ku uruureen godad ay 30 sano qodayaan !! oo ay ku go’doonsan yihiin!
Muuse shaani inuu fulay yahay waa la sheegay! xaalad qarow ah buu ku jiraa!!
wuu isku dhex yaacay. wuxuu yidhi waxaa na soo weeraray, argagixiso, federaalka, DDS, Puntland, Daarood oo dhan !! adduunkii baa la yaabay !!
Rikoodhka fulaynimaduu jabiyey!
Drone iyo kaare baanhaystaa ku yeh
Maa laacsaano lagu qabsado waa dhufayska looga jiro baadiyahee, mase tukaraq iyo Gambadhe la difaacdo.
Nafeeey ba
Nasiib darrada Masayrland haysa 60 sano ka hor
Inqilaab dhicisoobay ayay ku fashilantay.
60 sano ka dibna goojacaday ku saqiirtay.
Guuldaro joogto ah waa madax xanuun joogto ah.
Maskaxaha lagu shaqaynayaa waa 80 jiro , bal eega
Waa muse saamiri, kaahin, habarta adna, s.gaal etc.
Somali Galbeed
Waad ogtihiin in Dhulbahante yahay traditional clan, anigu odhan maayo waa primitive clan, laakiin waa qabiil aan weli la qabsan nidaamka caalamka oo ku diira gabayada iyo guubaada qabiilka. Idinku ka joojiya sidan aad Ku kicinaysaan. Link hoose eeg, Sayidka oo Ka soo dhex gabyey Laascaanood, waxaas oo miidhan baa Ku kicinaysaan.
Link kalena waa nin jooga Carmo oo shimbiro uu qaarna meel cunto ugu daadiyey oo calanka Puntland Ku sawiray, oo uu leeyahay waa mucjiso Carmo lagu arkay intii dagaalka Laascaanood bilaabmay. Idinku ka joojiyo nimankan waxyaalahan aad ku kicinaysaan iyo naanasahan guubaabada ah sida gantaal Daarood iyo madfac Daarood eed Ku dagaal gelinaysaan.
https//YouTube.com@puntlandmediainc242
https://youtube.com/@EidMohamedDIRIE
Baabuur
Kkkkkkk waad asiibtay ninka raga ah marka laguubaabiyo xiniinyo uusan lahayn buu yeeshaa
Haduu xitaa fulay ahaa geesibuu noqdaa
Marka mawaxaad leedahay dhulbahante hadii guubaabada laga daayo waan is fahmi lahayn
Anigu waxaan qabaa muuse biixi iyo kooxdiisa ayaa dhulbahante kiciyaye inaysan isaaq iyo dhulbahante xabad isku rideen meeshaana arintu masoo gaarteen
Wallaahay waad Iska hadashay…Dulmiguna waa Dumayaa
Dhulbahante gurigiisa ayaa loogu yimid waa loo dowladeeyey waana layska laayey si loo barakiciyo. Muuddo sannado ah ayaa lagu foognaa in layska dilo markii la doono…Nina noqon maayo meel loo Soo kaadi tago..colaadda dhulbahante Dan ayaa ugu jirta..waayo dulmiilayaashu waa ay jabayaan wallaahay
Gedoland
Xageeni adeero marki dhameysto sanadka ,jijigu imanayaa ,dabaded xagaas Kenya ayuu dagayaa , madexweynuhu waa Sidan fartaag iyo omaar ,dhuumaal iyo cilmoge Cali madobe xidig ama raage ama shakuul
Dabshid
Jeegi uu kusiyey daahir calaw muna wali kadhamaan
Isaaq ha ka baxo degaanada Reer Harti ee Dhuloos,waa midda kaliya ee lagu kala badbaado in qofku ixtiraamo qofka kale.Intaa wixii dhaafsan waa dhaqan Maryoolay oo qudhunsan e soo dedejiya geeridiina oo soo gaabiya cimrigiina.
Maalinba 30 aassa,misana halkii ka sii wada,oo 40 kale aasa.Waxa ha ka baraninee sii wada.
Dalmida
Gaafaw
Waa siday tahay horaan usheegay axmed hal sano wuu dhamaysan xitaa musharax wuu noqon karaa laakiin isbedel bay ubaahan tahay jubaland
Awoowe dhul barwaaqo ah oo aan lala soo baxayn kawaran
Aniga absame iyo sade kii madaxweyne noqda waa isugu kay mid laakiin nin aqoonleh yaan rabnaa
Oomaar waa aqoonyahan walaahi jubaland wiilkaas hadii loo dhiibo dadku waa dhargi lahaayeen
Wabiyo iyo bado ayay jubaland caan kutahay
War aan u istaagno dhulkeena waa barwaaqee
Gaafaw
Ma waxaad rabtaa inaan Absame
kala noqono dhalashada iyo soo dhaweynta
Ka xishoo Mulkiileyaasha Somalia