|

Farmaajo oo dhambaal Cusub la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed

Doha ( Kalshaale ) madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dhambaal cusub la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed.

“Bilashada bishan barakaysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan muslimiinta adduunka oo idil.

Alle waxaan ka baryayaa in uu ina waafajiyo khayrka Bishani ay wadato ee cibaadada, daryeelka masaakiinta, garab istaagga danyarta iyo agoonta iyo guud ahaan acmaasha wanaagsan ee mar walba laga rabo in ay ku tilmaamnaadaan dadka Islaamka ah.

Ilaahay, fadliga bishan awgeed, hanooga yeelo dalkeenna mid barwaaqo ah oo nabad iyo horumar ku tallaabsaday.

Ramadaan Mubaarak.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64771

Posted by on Mar 23 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented