|

Duqaynta maamulka Muuse Biixi ee Laascaanood iyo Cali yare oo ka hadlay

Laascaanood  ( Kalshaale ) Maleeshiyaadka Maamulka Muuse Biixi ayaa  Madaafiicd la beegsaday Goobaha dadka shacabka iyo Xaafadaha kala duwa ee magaalada, Kadib markii looga gacan sareeyay dagaalo maanta ka dhacay duleedka Laascaanood.

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Cali yare ayaa ka hadlay waxay ka dhigan tahay duqaynta xaafadaha dadka shacabka ah.

“Magaalo shacab Soomaaliyeed dagganyahay oo sidaan duqeeyn loogu garaacayo qofkii dhexdhexaad ka noqda waa qof aan damiir Soomaalinnimo, Islaamnimo iyo Insaannimo toona laheyn.

Reer Laascaano soo baxa oo sharafkiinna difaacda.

Dowladda Soomaaliyeed waa ineey shacabkaan calankii dalka lagu hoos xasuuqayo siyaasad hiil-leh ku wajahdo oo aan marnaba dhexdhexaad laga noqon iyaga [shacabka laascaano] iyo kuwa xasuuqaya.

Waxaan in la waydiiyo mudan qofkii shalay 35 Sano ku doodi jiray Moorgan ayaa 1988 Hargeysa nagu duqeeyay , muxuu ku jawaabayaa saakay markii la waydiiyo farqiga u dhexeeya Duqaynta Muuse Muuse Biixi ee Laascaanood, 2023 iyo tii moorgan ee Hargeisa.  “

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64679

Posted by on Mar 18 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented