|

War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii Baydhabo ee Madaxda DF iyo Maamulada

Baydhabo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 5aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Baydhabo 15–17 Maarso, 2023. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Federaalaynta Maaliyadda dalka, Dimuqraadiyaynta iyo heshiiska Doorashooyinka labada heer ee Federaalka iyo DXDF, iyo Dhameystirka Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Sidoo kale, Golaha ayaa iska xog wareystay xaaladda amni ee dalka, saameynta abaaraha iyo qodobo kale.

QODOBADA HESHIISKA EE SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo heshiisyadii iyo warmurtiyeedyadii ka soo baxay shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, Goluhu marka laga reebo Puntland, wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda iyo lifaaqyada qodob kasta oo la socda war-murtiyeedkan:

1. FEDERAALAYNTA MAALIYADDA DALKA

• Iyadoo la tixgelinayo heshiiskii Astaynta Awoodaha ee Golohu ku heshiiyay December 2022, Golaha wuxuu isku raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban; (1) Astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga, (2) Wadaagga Dakhliga. Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku heshiiyay in la unko laba hey’adood oo kala madaxbannaan oo aan looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda oo kala 3 noqonaya; (1) Hay’adda Dakhliga Qaranka, (2) Guddiga Qoondeynta iyo Dardar-gelinta Dakhliga.

• Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.

• Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

• Goluhu waxa uu isku raacay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo isafgardyadii hore ee daadajinta maaliyadda dalka inta laga hawl-galinayo dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.

2. DIMUQRAADIYAYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu ka dooday arrimaha doorashooyinka gaar ahaan in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Goluhu wuxuu isku raacay in gorfaynta arrimaha doorashooyinka lagu dhameystiro kulanka xiga ee Golaha oo dhici doona May 2023.

3. DHAMAYSTIRKA HESHIISKA QAAB-DHISMEEDKA AMNIGA QARANKA

• Goluha waxa uu isku raacay meelmarinta iyo ansixinta dhammeystirka dib-u-eegista lagu sameeyay Heshiiska Qaabdhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kaas oo mar labaad dib loogu heshiiyay October 2022, waxa uuna saldhig u noqonayaa:

-Dib u habeynata laamaha amniga;

-Tirada ciidamada;

-Waajibaadka hay’adaha amniga;

-Amarka iyo kala danbeynta; iyo

-Maareynta baahiyaha dhaqaale ee laamaha amniga.

• Goluhu wuxuu u soo jeedinayaa DXDF in ay soo dhameystiraan maamul u sameynta degmooyinka iyo deegaannada la xoreeyay iyo kuwa laga 4 xoreyn doono cadowga si ay iskula jaanqaadaan holwgalka dib u xoreynta dalka, barnaamijka xasilinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada. • Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaarayaan ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta. Sidoo kale, Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

4. QODOBO KALE

• Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka.

• Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa wadajir ka iyo isku-duubnida ay muujiyeen Culimada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu bogaadinayaa dedaalka hagar la’aanta oo ay Culimadu ka sameeyeen la dagaalanka Xag-jirka iyo Fatwadii sida wada jirka ah ay uga soo saareen Shirweynihii Qaran ee Culimada Soomaaliyeed oo taarikhiga ahaa.

• Goluhu wuxuu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada JFS xilkasnimadoodii iyo dedaaladoodii ku aadanaa meelmarinta shuruucyo laf-dhabar u ah dhamaystirka dowlad dhiska dalka muddo aad u kooban gudaheeda.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u amaanayaa Ciidamada Qalabka sida ee geesiyiinta ah, DXDF iyo bulshada Soomaaliyeed halganka iyo doorka ay ka qaateen la-dagaalanka joogtada ah iyo ciribtirka khawaarijta shabaab oo dhibaato ba’an ku ah dadka iyo dalka.

• Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo qayb ka ah hurinta dagaalka iyo sii socoshada colaadda. Goluhu wuxuu soo 5 jeedinayaa wadada keliya ee xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar u tahay inay mar walba kaalinteeda ka qaadato nabadeynta.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo dowladaha Galmudug iyo Hirshabeelle guulaha waaweyn ay ka gaareen la dagaalanka Khawaarijta iyo dib u xoreynta deegaanada Galmudug.iyo Hirshabeelle.

• Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xukuumadiisa iyo shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida sharafta leh oo ay u soo dhoweyeen wafdigii balaarnaa ee labada heer dowladeed una martigaliyeen Shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Lifaaqyo: Heshiisyada ay Golaha ku heshiiyeen: 1. Heshiiska Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. 2. Federaalaynta Maaliyadda dalka.

–Dhammaad-

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64661

Posted by on Mar 17 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “War-murtiyeed kasoo baxay Shirkii Baydhabo ee Madaxda DF iyo Maamulada”

  1. Kkkkkk

    Waa in UUNSI LOO SHIDO
    Maamada Federalka si ay
    DOORKEEDA uga qaadato
    Howsha Dowladda dhexe iyo
    Maamul goboleedyada

    Oo yaa loo diri

    – Madaxweyne XASSAN SHIIKH
    ” Maya ”

    – Rasalwasaare Xamza
    ” Maya ”

    – Governor AXMED CADDE GARMADOOBE
    ” Maya”


    Lugta Gareen
    Qoorta Gareen
    Guudka Gareen

    Telephone ☎️ ama
    Lug ha u direen
    Maamulka Hill KIBIS ee Max’uud Saleemaan

    * Rag waxaa ugu liito
    Nin tagey oon la tabin

  2. Sacdiyo Salaad oo
    Shirka Madaxda ka codsatey
    Kordhinta Biscuits Dhiiq si
    aysan markale Jufada Majeerten
    isaga dilin 25 will, sidii horey u dhacdey
    Waqtigii DAGAALKII BISCUITS iyo Malmalaado
    ee degmada Boosaaso.

    * Saxaraha yaan lagu hilmaamin
    shacabka Bari iyo Nugaal

  3. M/weyne Xasan warkaagu waa naaqus adiga iyo maamulada, looma dhama. Midna ku xisaabtan haddii shacabku kaco wey idiin dhamaatay, tuug danbe dalka kama shaqayn doono. WBT

  4. Kuwaan Madaxda Qaranka e Mulkilayaasha
    Ah Ku Haya Hebel Waa Tuug nin Qaawan
    Baa Laga Hayaa Ar Amaa Nala Furtaa
    Hade Waa Nin Qaawan o Aan Nigis Wadan
    Hada Waxa La Mid Ah Dadkaan Saxaraha
    Ku indha Beeley e Qaa qaawan e Madaxda
    Qaranka Waa Tuugo Ku Haya Hade Ogaada
    Kuwaasi Waa Kutaan Dadka Ku Dul Nool
    Iyaga Ayaa Laga Biila Canshuur Dad
    Masaakin Ah Laga So Qaadey

  5. @Wiil hiraab sx 1950 miyaa maraysaa?xog maa raadisaan saaxiibayaalow caadifadaan iska yaraysaan.
    Mid waan idinku raacayaa.
    Hadda ka hor ayaa waxaa is wareystay orgi iyo wan.Wankii ayaa orgigii ku yiri orgiyow sx maxaad la qaylisaa horta oon kaaga seexan weynay? Origin ayaa yiri war ninyahow balaayo ayaa illahay qoorta noo galiyay oo markaan xaajoonaayo rida u tagaayo waa in aan qaylo iyo sawaxan kaga qaataa ee eebow horta adiga sidee xaalkaagu yahay?War waxaas ma maro lugta leen dhag ku siinaa waaba diyaar buuq ma jiro kkkkk
    Hadda illahay wuxuu qoorta idiin galiyay LOP,asxaabta reer Puntland oo aadanba waligaa ka maqlayn siyaasi reer Puntland ah baa qaldan,at same time raba in ay dadka kale u sheegaan in Somalida kale qaldan yihiin waliba si waali,xishood darro in lala yaabo aanay ka baqayn.Marka idiin kagama hiilinayo, balse gar waa loo islaam DF Puntland waxba ma siiso,sidoo kale DF shaqaalaheeda world Bank ayaa mushaarada siisa iyadoo taas jirto ayaa wixiiba waxaa lagu cunaa Muqdisho oo 80% waxaa haddana qaatay abtiyaashay.Qaladka iyo cadaalad darada uu ka galay Farmaajo Hawiye aragtidayda waa inuu qoondo kastaa Hawiye si ka baxsan 4.5 u siiyay.Puntland taas ayay diidan tahay.
    Waxaan hubaa in DF aanay Puntland waxba siin.Ayaan hore ayaa madaxweynaha waxaa u tagay Fartaag oo MR rabo inuu iska gado,wuxuu ku yiri DF Gedo waxaa kasoo gaaray 2 mushaar oo kaliya.Agaasimaha wasaaradda waxbarashada iyo agaasimayaasha wasaaradda caafimaadka oo midkiiba qaata 800 lacagtaasna waxaa bixiya world Bank.Bakool waxaa ka shaqeeya oo mushaari ah 100+Galgaduud,Bay Hiiraan,Sh,dhexe,hoose sidoo kale WHY Gedo?Ma aqaan mana hubo laakiin u badi Jubaland in ay sidaa yeeshay.
    Madaxweynaha wuxuu u diray nin aanan sheegayn oo madaxtooyada ka tirsan.Madaxweynaha sidii ayaa loo keenay,Md XSM oo Farmaajo xagaas waxba ma gayn?waliba mudane madaxweyne markii aad madaxweynaha ahayd ayaa la qoray.Waxa sidaa ah wixii world Bank uu bixiyay ma ahan canshuurta habar batuulo ogow.BEEN WAAYE PUNTLAND DF illaa hadda waxba kama hesho, siyaadiyiinta Puntland waa og yihiin Muqdisho sida looga fakaro oo nin kastoo yimaada Puntland toos ayuu ugu xiraa world Bank si aanba waxooda loo cunin.Dhinacyadaan kale ayaa la boobaa si aan naxariis lahayn.Xamar waxaa arkaysaa wixii mucaawino jifo jifo ayaa loo qaybsaday,tan habar batuulo Muqdisho kuma filno.Tan kale sx nin dhargo ayaaba wax bixiya,yaaba dhargo horta?aniga dadka waan ka dhashay xog ogaalna waan ahayn.
    Wiil hiraab iyo Dabdhid bangiga New York USA haddii la geeyo wax deeqaba ma leh kkkkk

  6. Shirka Baydhabo waxaa kasoo baxay in canshuuraha la mideeyo, qarashka airports, dekedaha export iyo import kasoo gala maamusho dowladda dhexe…kkkk

    Alloow aysan anaga na cunin wixii deeq adduunka bixiyey markay cuneen ayey rabaan in Puntland lacagta ka aruursadaan.
    kkkkkkkkkkkkk

  7. Intaa ninka dhuuxa wuxuu fahmin in dalkii god lagu wado..Caano ka dhama!!

    • Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.

    • Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.!!!!!!!!!!!!!!

    Maxaa dayn in la qaato keenay sideedaba iyo in lagu qabsado shacab canshuur u dhiibay in jid, school iyo amni helaan!
    Daanyeer dal ku darso waa tanoo kale!..yaab.

  8. Dee waxa rabtiin qorqorta intee ka shaqayn?????
    4 sano isdabayaac ah iga dheh.

    Waan hubaa waxaa dayntaan dabada ka riixaya waa tuug IMF joogta oo lacagta lakala goosta tuugta dalka daynta qaatay xukuma.
    Somali keliya maaha ee dalal badan ayaa dhibkaas qaba oo African u badan.

    Puntland waa ka mudaharaadin in magaca caruurta Somalida mustaqbalka dayn la geliyo, tuugo cadaana konto ku shubtaan inta sandhareero siyaan tuugo Xamar joogta.

  9. Wiil hiraab

    Eebow Daarood wuxuu wataa
    Labo Gaaweeto kuwaas oo ah
    Ama in lagu Biilo Canshuurta
    Caasimadaha Irir Samale

    Ama inuu Gaaweeto la wareego
    Xeryaha Qaxootiga

    – Daarood oo dhan waxaa ka hanti badan
    Dahabshiil, taas ayaa ku kaliftey
    Inay isku helaan QAMADI DIBADDAA
    iyo Canshuurta Hawiye oo Gudahaa

    – choice anagaa leh
    Ama inaan BIILNO si looga reebo
    Gaalada iyo Kabo-qaadka

    Iyo in lagu jiro Karbaash iyo Didin joogtaa

    Daarood haka sugin
    – Caasimad iyo Hantiileyaal
    Canshuur dhiibo

    – Ciid la beerto iyo Ciidan dal difaaco.

    * 30 sano ayey wali dul meeraysan
    Meeshii laga didiyay

  10. Bal goodhiin iyo xeradiin; dayn tuugo hore u cuntay hala cafiyo ayaan sugaynay ee in dayn horleh tuugo cusub qaadato miyaan sugaynay.??
    Caruur aan dhalan laga rabo….!

    Dayn maaha in la siiyo Somali, waayo maxaa lagu qaban xitaa Balcad iyo Xamar jid malaga dhisi karaa? waa maya!
    Culusow waa tuug kiraysan.
    Waan hubaa in Deni lagu oran weliba tuug gaalo cad ah..Millions qaado oo aamus, haddii kale diyaaradda ayaa kula soo dhicin..hanjabaad!!

    Meesha dayn maanta Somali la siinayo maqashaan ka carara..Run

  11. Mukulaasha Indhaha ayay
    isku qabsataa markay Cabbeyso
    CAANAHA LOOGU DEEQAY

    Hadhow ayay ka dhaarataa
    Inaysan saarin LABADEEDA INDHOOD

    DAAROOD WAA SIDAAS
    Kan hoos joogo Hargeysa
    iyo Kan hoos joogo Mogadishu
    Waxay ka dhaaran inay ku noolyahiin
    Canshuurta iyo Caasimadaha
    Xortaa ee Irir Samale.

    Haddii la didiyaha foolxumadooda
    Waxay dhoobnaan xeryaha Qaxootiga
    Ayagoo leh Somali ayaan nahey

    – Jiir iyo Jaberti ma mahadnaqaan

  12. Maxay dheheen Canshuuraha hala mideeyo hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh.
    Maxay nuugta amase ka nuugtaa canshuurta ay midaynayaan xagee kasoo gashaa?
    – Airortiyo maleh
    – Dekedo meleh
    – Canshuurta ay qaadaan waa min hal magaalo Baydhaba iyo Kismayo ugu roon.
    – Wax soo saar kale oo dalka loo iib geeyo maleh,
    – Habar batuulo teeda Muqdisho mooryaanta joogtaba kuma filna
    Digsigey ku socotaa.
    Waa horaa Wasaarada Haweenka is xambaar ka bilowday oo Canada la iska wada dhiibey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  13. Dabshid
    Erayga Eeebow inaad qof aadane shaqsi ah ugu yeerto waa dambi, waayo eebe waa ilaahay.
    Eebow noo naxariiso dheh iyo eebow i cafi iyo eeow istaqfuralah.
    Adigu reer Bari eebow leh ayaa maqashay, ee ninka agfadhiya lama hadlay ee waxay lahaayeen Eebow noo naxariiso.

    Eebow guntaan aqli sii!

  14. Somali isbaratay;Ka qaata cidda dayn idinsiisa ama Canshuurta iska qaadeen Xamar loo qaado meeshii hosbital, schoolo, jidad iyo amni loogu samayn lahaa.
    Waaba Mooryaan xoolo u gee!
    Car Baraxley iisoo dhaafa..

  15. 1 Qodobkii doorashada ajandaha way ka saareen oo lagu dhici waah PL oo maqan
    2 Canshuuraha madaxa ciida iyadoo laga ceshanayo bilaa saxeex loo qaatay
    3 Amniga waxba kama soo bixin awalba macawisley ayaa lagu daba dhuuntay
    si caalamka shilimaad looga helo isna socon waa.
    Muhiimada shirku wuxuu ahaa in magaca maamul gobaleedyada lagu dawarsi tago haddii wax lasoo waayana saxeexooda dayn lagu soo qaato labadiina maqnaanshaha PL baa gaashaanka u daruuray waliba si cad u sheegtay daynta inay waa horeba dacwad ka gudbiyeen.
    PL oo maqan inaan waxba soconeyn ayaa sheekadii kusoo idlaatay.
    Huruuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuse yaabay hhhh

  16. Majeerteen anigu waa caayaa dad baa cay daas sarifa
    Waxa majeerteen loo caayayo waa caruurtooda ayay
    School naga horgeysteen
    Marka xadaaradu waa jirtaaye waana adinkee
    Walaalahayoow cafi alah iyo musaabax
    Reer aan wada dhalanay oo aan waxba iga samayn aad bay ii dhibtay
    MO waanadii waa kaa qaatay hadal qiimo badan baa itiri maxaa reerkaan ugu dhagan tahay aan idiin garqaadee MO markale waa qaatay

  17. Puntland Dadka Shicib kooda ah waa Dad Madaxdooda wixii ay u sheegaan iska Aamina yacni waa Dad ama Shacab ay Qabyaalada ku wayn tahay Indha kalana Lahayn.

    Hada Kahor waxaan xasuustaa Cabdiwali Gaas inuu yiri :- Puntland waa Gabar Nasiib daran oo markasta guursata Nin Aalkoliista ah !! Hadalkaa aniga maan Oran ee waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas …!

    Shacabka Puntland sidii doono ayaa loo jiheeyaa marka Dadkaas waa dhibanayaal Eed malaha !

    Hada Puntland Madaxdeeda Jaale Deni wuxuu geeyey meel cidla ah asagoo eeganaya danahiisa gaarka ah ……

    Isolated ayuu Deni ka dhigay Puntland wuxuuna lumiyey Taageeradii Beesha Caalamka iyo Taageeradii Ummada Soomaaliyeed waxaana loo arkaa Maamulka Puntland Qaswadayaal wax kasta Kahor mariya Damacooda waalida ah ee ku Dhisan Sadbursi iyo Musuqmaasuq xargaha goostay.

    Mardhow waxaad maqli doontaan Puntland oo leh Federaalka halaga tago oo Markaan aanu aadno Confederation !

    Aniga kolay waan soo dhawaynayaa Confederation maxaa yeelay waxa kaliya ee Puntland wadaagi doono waa Calanka iyo Baasaboorka…!!

    Waxaanse taa kasii jeclaan lahaa in Puntland ina dhaafaan oo ay inaga go’aan.

  18. Hobyo godan
    Shacabka Puntland waa dad dowladnimada iyo kala dambayntu lafaha uga jirto.
    Siyaasadda waa la isku hardiyaa laakiin ninka la doorto shaqafdiisa laguma faragasho, qaladkiisa iyo wixii haleeyo waa la sheegaa.
    Shacabkaas qabyaalad maba yaqaanaan waayo Eelay iyo nin Cisman Maxamud ah ayaa Qardho cod ku dartamay oo doorteen Eelaygii qaxooti ah oo ilaa maanta Qardho xumuma.
    Ma la socotaa in Dekedda Bossso maareeye ka ahaa in Hadamo-Baydhabood ah..kkkkkkkkkkk
    Maba kala qayaanaan Somalida koofur, waxaana keenaysa qabiilka ayaan macne weyn ugu fadhiyin.
    Shacab lalanoolado oo ka fiican ma jiro, waana dowlad adeec, iska dabayaac aqoon.
    Somali marhore ayeyba dhibka ka bixi lahaayeen haddii sida shacabka Puntland u fekeraan.

    Adigu haddaad Sacad tahay beesha Cumar Maxamud xabbadooda ayaa baydad baxsad ah kaa dhigtay. Kuye inay goostaan ayaan ka jeclaan lahaa..kkkkkkkkkk, dalkiiba bar la tegeyane.
    Haddaad buuqa dayso cid naga derisnimo fiican malaha ee tuug ari xad ah oo safarka jidka u gelin, waa la iska celin.

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented