|

Jen. Odowaa iyo kulamadii ka dhacay ee Kenya ee uu ka qayb galay, Maxaa looga hadlay?

Nairobi ( Kalshaale ) Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo maalamihii dambe ku sugna dalka Kenya ayaa booqday dugsiga ciidanka dhulka ee dalkaasi.

Safarka Odowaa ee dalka Kenya ayaa qeyb ka ah qorshe lagu dardar-gelinayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Dowladda Kenya ayuu qorshuhu yahay inay Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya kuwa Soomaalida wajiga labaad ee dagaalka socda.

Kenya ayaa rabta inay wax ka bedesho qorshaheeda la-dagaalanka Alshabaab, ayada oo xilligaan doonaysa in kooxda kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo ka barbar dagaalamaya ciidamada huwanta ee dalka ka wada howl-galada ka dhanka ah Alshabaab.

Xukuumadda Nairobi ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay bishii hore magaalada Muqdisho ku saxiixdeen dalalka safka hore, kaasi oo dhigaya “in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Shabaab.”

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamadii ugu horeeyay toddobaad kahor usoo dirtay Soomaaliya. Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan soo gaaran dalka.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo dhawaan shaaciyay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxa uu yiri “Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64648

Posted by on Mar 17 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented