Wararkii ugu danbeeyay dagaalo culus oo maanta ka socda Gobolka Sool
Laascaanood ( Kalshaale ) Dagaal culus ayaa maanta (Isniin) ka socda 4 jiho oo kayaala duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhaxeeya Somaliland iyo ciidanka deegaanka, iyadoo la maqlayo dhawaaqa hubka culus ee dhinacyada.
Dadka deegaanka ayaa muuqaal ay dubeen ay muujinayaan baabuur uu ku dhegan yahay calanka Somaliland iyo tuutaha askarta Somaliland lagu yaqaan oo gacantooda ku jira.
Somaliland ayaa xoogeeda dhan iskugu geynaysa sidii ay u qabsan lahayd Laascaanood, waana duulaankii 5aad oo ay ku doonayso in ay kusoo ceshato magaaladan oo ay ka saareen dadka deegaanka,
Taliska ciidanka maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan Puntland iyo Argagixiso iskaashaday.
Dhinaca kale uddiga Aaya katashiga SSC-KHAATUMO oo war ka soo saaray dagaalka Laascaanod kasocda, ayaa sheegay in Somaliland ay duulaan soo qaaday, xili ay sheegayso ay horey u sheegtay in ay ka baxeen difaacyadooda oo ay nabad rabaan.
SSC-KHAATUMO ayaa ku eedeeyey Somaliland in ay diyaarinaysay weerar ciidan, kaas oo ay saaka soo qaaday, waxayna sheegeen in dadka deegaanku is difaacayaan.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=64286