|

Xildhibaan Macalimuu oo Ka hadlay Laascaanood, Fariina u diray Beesha Isaaq

Muqdisho ( Kalshaale ) Laascaanood waxa ka socda xadgudub ka dhan xuquuqda aadanaha. Sax maaha in xaafado shacab deggan yihiin madaafiic lagu garaaco . Walaalaha Soomaaliland waxaan kula talin laha in xoog wax ka duwan ay la yimaadaan oo ummad dhan oo Garaadkoodii dhex joogo aan la isku dayin in xoog lagu baacsado.

Bartmaha Hargeysa marka aad istaagto waxa ay ishaadu qabaneysaa qolof diyaarad (Miig-17) oo la suray taallo halkaa lagu dhisay si jiilka soo koraya ay u ogaadaan ,kuwii joogeyna ay xusuus ugu noqoto wixii ku dhacay Hargeysa gaar ahaa qabiilka Isaaq 1988 oo xasuuq aan kala sooc laheyn ay kula kacday dowladdii meleteriga markii ay damceen in ay noqdaan Jamhuuriyad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Walaalayaalow , ma waxaad sameyneysaan gabood-falkii 35 sano ka hor idiin soo maray mid la mid ah idinkoo waayo-arag u ah cawaaqibka ka dhasha isku day in xoog wax lagu maquuniyo.

Gar Ilaah bey taqaan .Qabaa’ilka Soomaaliland waa ku ugu ilbaxsan uguna xadaaradda dheer Soomaalida inteeda kale , waxase hubanti ah in xoog aanu dhib mooyee dheef soo kordhineyn xilligan, sidaa awgeed waxaan u soo jeedin lahaa walaalaha Soomaaliland in xaalka Laascaanood ay ku eegeen indho ka duwan kan ay hadda ku eegayaan ee xalka meleteri ku qottoma.

Dowladda Federaalka Soomaaliya hadii ay aaminsan tahay Laascaanood in uu ka mid yahay dhulka Soomaaliya, dad dhinteen ,dad dhaawacmeen , bur bur iyo barakacna uu socdo sax maaha in ay sii aamusnaato ee wa in ay qaadataa masuuliyadeeda xal kasta oo suuragal ah oo lagu joojin karo dhiigga daadanaya.

Marka intaa aan qorayo ,xumaan iyo siyaasad igama aha ee wa talo walaalnimo «انْصُرْ أخاك ظالمًا أو مظلومًا»

Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa!

W/Q: Xildhibaan  Baarlamaanka Soomaaliya Mohamed Ibrahim Moalimuu

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63794

Posted by on Feb 7 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Xildhibaan Macalimuu oo Ka hadlay Laascaanood, Fariina u diray Beesha Isaaq”

  1. Daanyeerkaan bal arka, immisa Sanna ayewy Hawiyaha qarax iyo dar xummo u dhimanayeen oo cid naxariisto iyo cid asxaan u sameeysa jirrin.

    Waxaa kaloo daanyeer kalla ah doqon Abdirahman Abdishakuur, Inna soo hoyde, oo issaga oo aanan walgiisnkanhadlin Guriceel amabba tagine ka sheekeeynaya Laascaanood. Waxaa kaloo doqon ah wasiirka arrimaha guddaha dowladda dhexe Mr. Fiqi, oo naageeys iyo is qorqor uga sheekeeynaya 10 qof oo ku dhimatay Laascaanood halka kummannaan qof oo Hawiye ah oo Xamar ilaa iyo Koonfirta Somamiya lagu dullay aanan hal maalinna wax la taaban karro ka dhihin.

    Waa kuwaan hadii aad rabto in aad ogaato dsska aan daanyeeradda ugu yeera. Madaase baddankood ka dhiga dadka sheegta Ceeyr iyo Sacad? Sow doqonnimo maahan?
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented