|

Farmaajo oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood iyo fariin uu diray

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Dagaalka magaalada Laascaanood  ee u dhexeeya ciidamada Somaliland  ee duulaanka kusoo qaaday iyo  dadka deegaanka oo iska difaacaya, kadib shirkii aayo ka tashiga ee kusoo xidhmay maalintii shalay magaalada Laascaanood.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ku naf-waayey xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, aniga oo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Waxaan si gaar ah murugada tacsida ula wadaagay Madax-dhaqameedka Deegaanka oo aan khadka talefoonka kula hadlay.

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee awalba la daalaadhacayey colaadaha, maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo dirirta.”  Ayuu yidhi Farmaajo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63782

Posted by on Feb 7 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Farmaajo oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood iyo fariin uu diray”

  1. Farmaajo Madaxweynaha Beesha Dhulbahante wuxuu ku leeyahay Dagaalka hala Joojiyo wuxuuna tacsi u diray Dadkii halkaas ku dhintay asagoo aanan soo hadal Qaadin sababta keentay gacan ka hadalka iyo cida Dagaalka soo qaaday iyo dhibacyada is haya toona.

    Sidaa ayuu u hadlayee Dhulbahantoow maku qanacdeen inlayn idinkaa inoo Sheegay in Farmaajo wali yahay Madaxweynihiiniiyee ?

  2. Rodo
    I can’t answer your question.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented