|

C. C.shakuur oo ka hadlay dagaalka Laascaanood iyo damaca waalan ee Somaliland

Laascaanood  ( Kalshaale ) Siyaasiga C.raxmaan Cabdishakuur Warsame , sidoo kalana xil ka haya DF Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada magaalada Laascaanood, oo Weerar ay saaka kusoo qaadeen ciidamada maamulka Somaliland, Islamarkaana uu ka dhacay dagaal qadhaadh oo ay kala kulmeen dadka deegaanka oo iska difaacay.

Akhriso.

Waa ayaan darro iyo wax laga xumaado dagaalka Laascaano ka socda ee dhimashada, dhaawaca iyo burburka hanti sababay. Waxaan ku baaqayaa in colaadda degdeg loo joojiyo. Waxaan Alla uga baryayaa in uu dadkii ku dhintay naxariistiisa siiyo, kuwa ku dhaawacmayna caafiyo, kuwa hanti beelayna uu ciwad celiyo.

Arrin xalkeedu siyaasad yahay oo wadahadal iyo wada-xaajood u baahan, awood is maquunis irid ugama furna. Sida aan midnimada Soomaaliya awood sheegad lagu gaari karin, kala go’eedana xoog laguma keeni karo.

Dawlada Federaalka ah xil ayaa ka saaran ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya.

Allaha dadkeenna gaarsiiyo xili uu caqligu caadhifada ka adagyahay, siyaasadda qaran ay tan haybta ah ka xoog badan tahay , qiyamka madaniga ahna ay kuwa qabiilka ka sareeyaan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63767

Posted by on Feb 6 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “C. C.shakuur oo ka hadlay dagaalka Laascaanood iyo damaca waalan ee Somaliland”

  1. Ninkaan hadda ha hor ayaan iri asaga madaxweyne halaga dhigo, iniga doorashadii asaga ayaan la jiray, macal Deni ma rabin, waan hubaa inuu ka wadaniyasan yahay kana daacadsan yahay . kan qabyaalad yaryahay Xasan Sheik.

  2. Ccshakuur nin qabiil maahan laakiin hogaamiye uma qalmo waa nin ajnabiga ujilicsan oo waliba hunguri weyn

  3. War deg deg ah
    Ciidankii puntland oo toos usoo galay dagaalka

    • Gedoland, dhowr boqol oo tikniko Dhulbahante ah baa daadsan min Ceerigaabo ilaa Wardheer, maxaa looga baahan yahay Puntland? Iyaga hasoo raaceen, Mareexaan uu hogaaminayo Farmaajana haku soo biireen! Dir iyo Daaroodba saaka waa lagu quraacanayaa, way dhamaatay baryo iyo tolnimo! Aan aragno meeshay ku dambeyso Huuno!

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented