|

Dagaalka laascaanood, duulaankii Somaliland ee Shirka iyo Wararkii ugu danbeeyay

Laascaanood ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo qadhaadh oo weli ka socday duleedka Laascaanood, kuwaasi oo u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland oo weerar kusoo qaaday magaalada intii aan lagu dhowaaqin go’aanadii shirka ee Waxgaradka iyo Isimada dhaqanka SSC .

Ciidamada xaq u dirirka ah ee deegaanka ayaa fadhiisimo kala duwan ka saaray maleeshiyaadka Somaliland.

Ciidamada Somaliland ee laga Awood roonaaday ayaa lagu soo waramayaa inay bilaabeen in xaafadaha rayidka ee Laascaanood ay ku garaacaan Hoobiye ama madaafiic laga soo tuurayo meelo ka durugsan magaalada, iyadoo dhimasho iyo dhaawacba ka dhasheen.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay Laascaanood, soo gaadhay labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Muuse Biixi Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa horay u amray duulaanka Laascaanood, maalinka ay soo dhamaadan wada hadalada Isimadda, taas oo saaka dhacday.

Qorshaha cusub ee Somaliland, waa in ay marba weerar soo qaadaan (khasaare geysta), laakiin ay iska ilaaliyaan in ay gudaha magaalada galaan, si aysan dhexda uga dhicin ciidamada iyo dadka deegaanka ee is difaacaya, sidaas oo kale jidadka iyo hareeraha magaalada ayaa 2dii habeen ee la soo dhaafay la keenay ciidamadii ugu badnaa.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63751

Posted by on Feb 6 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented