|

Daawo + Akhriso: Go’aano Culus oo kasoo baxay Shirkii SSC ee magaalada Laascaanood

Muqdisho ( Kalshaale ) War-murtiyeed rasmi ah ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada, Cuqaasha iyo waxgaradka gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go’aano culus.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Isimada SSC ayaa ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Somaliland iyo gooni istaageeda.

Waxay sheegeen in laga bilaabo maanta ay katirsan yihiin dowladda federalka Soomaaliya, dhulkoodana lagu maamulidoono dastuurka Soomaaliya.

Baaqa kasoo baxay shirka magaalada Laaacaanood, waxaa lagu sheegay Somaliland inay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo dhulka SSC.

Madaxda dhaqanku  waxay sheegeen in maamulka lagu wareejinayo dowladda federalka Soomaaliya inta laga dhameystirayo dastuurka Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63750

Posted by on Feb 6 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Daawo + Akhriso: Go’aano Culus oo kasoo baxay Shirkii SSC ee magaalada Laascaanood”

  1. GARAADADU AAD BAY UMAHADSANYIHIIN

    waa inoo iyo confrance ka labaad 2028

    5 years term

Leave a Reply to kaahin

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented