Daawo + Akhriso: Go’aano Culus oo kasoo baxay Shirkii SSC ee magaalada Laascaanood
Muqdisho ( Kalshaale ) War-murtiyeed rasmi ah ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada, Cuqaasha iyo waxgaradka gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go’aano culus.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Isimada SSC ayaa ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Somaliland iyo gooni istaageeda.
Waxay sheegeen in laga bilaabo maanta ay katirsan yihiin dowladda federalka Soomaaliya, dhulkoodana lagu maamulidoono dastuurka Soomaaliya.
Baaqa kasoo baxay shirka magaalada Laaacaanood, waxaa lagu sheegay Somaliland inay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo dhulka SSC.
Madaxda dhaqanku waxay sheegeen in maamulka lagu wareejinayo dowladda federalka Soomaaliya inta laga dhameystirayo dastuurka Soomaaliya.




Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63750
GARAADADU AAD BAY UMAHADSANYIHIIN
waa inoo iyo confrance ka labaad 2028
5 years term