Dagaal saaka ka dhacay Laascaanood iyo Wararkii ugu danbeeyay
Laascanood ( Kalshaale ) Magaalada Laascaanood ayaa maanta waxaa kusoo xidhmay shirkii isimada dhaqanka SSC iyo waxgaradka deegaanka u socday, waxaana laga soo saaray go’aano looga hadlay masiirka deegaanka.
Intii aan lagu dhowaaqin go’aanada waxaa saaka xili hore weerar soo qaaday ciidamada maamulka Somaliland, Rasaas culus ayaa laga maqlay gudaha magaalada, waxaana bilowday dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo difaacayey shacabkooda. Dhimasho iyo dhaawac ayaana lagu soo warramayaa inuu ka dhashay dagaal.
Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in laga kiciyey dhowr fadhiisin oo ay ku lahaayeen duleedka magaalada, waxaa sidoo kale madaxda dhaqanku ay ku baaqeen inay dadku is difaacaan naftooda, kana hortagaan dulmiga.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63747
Salaam.
War guud wax aan ahayn Fadlan, ha soo qorina.
Hawshu intay dhinac u dhacayso.
Dani oo weeraray GAROOWE
Muse biixi oo weeraray laascaano
Waa tiirakhaha Diiwaan galka ee sanadka..