Madaxda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo Muqdisho imaanaya iyo Wadooyinka oo la xidhay
Muqdisho ( Kalshaale ) War kasoo baxay dowladda waxaa lagu sheegay in kulanka maanta uu ku bilaabanayo hordhac, waxaana Soomaaliya ku wehlinaya Kenya, Djibouti iyo Ethiopia, waxayna dhinacyadan diyaarinayaan ajendaha shirweynaha oo beri si rasmi ah madaxda ugu furmi doona.
Sidoo kale waxaa shikan oo uu horkacayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu gorfeynayaa dhammeystirka hawlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socdo dalka, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee howlgallada ka socda Soomaaliya.
Kulanka hordhaca ah ee maanta ayaa waxaa sidoo kale lagu diyaarin doonaa ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan amniga gobolka.
Waxaa sidoo kale dowladdaha federaalka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.
“Iskaashigan ayaa la filayaa in natiijada ka dhalata ay horseedi doonto in si dedeg ah waddanka looga xoreeyo Khawaarijta oo toddobaadyadii ugu dambeeyay dherbaaxo culus lagu gaarsiiyey goobaha dagaalka, dhul balaaranna looga xorreeyay”. ayey tiri dowladdu.
Dhinaca kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in inta uu shirka socdo la xiri doono waddooyinka iyo sidoo kale garoonka Aadan Cadde, waxayna farriin cudur daar ah u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ugu baaqday inay dul-qaad muujiyaan labadaan maalin.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda federaalka ah.
Si kastaba, shirweynaha ay maanta magaalada Muqdisho ku yeelanayaan madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka Al-Shabaab.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63566
Xasan waxaa laga rabaa inuu kordhiyo mandate-ka ay ku joogaan Aamisom ama ciidamadda Kenya ithiopia D-jabouti
Waxaana loo ballanqaadi doonaan xoogaa sandareero ah oo dadkiisa lagu laayo laguna gumeeyo wuuna aqbali doonaan maadaama loo Soo marsiinaya dilaalka soomaaliya EE Ina cumar Geelle…wuxuu kale oo Ina Geelle kala hadli doonaan xaalka laascaanood iyo Gobolka Sool oo uu ka codsanayo xasan inuu cadaadis siyaasadeed saaro. Inkastoo mar hore muuse la Soo xidhiidhay oo ay arrinta ka wada hadleen.