|

C. C. Shakuur oo si kulul uga hadlay Wadooyinka Muqdisho ee la xidho Kana hadlay NISA

Muqdisho ( Kalshaale ) Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo xaadiray kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa dalbaday in loo yeero hay’addaha amniga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdisho ay ku dhiban yihiin jidadka la iska xirto markii la rabo, ayada oo caasimada ay wajaheyso culeysyo dhanka amniga ah.

“Muwaadinka Soomaaliyeed maalinkasta waxa uu ku dhiban yahay meel uu maro in uu waayo, inay jidadka ka xirnaadan in mararka qaarkood safarada la xayiro oo duulimaadka la hakiyo. Anaga xildhibaanimo iyo xasaanad ayaa jidka kusoo marna laakiin dadkii waa shaqeysan la’yihiin waana socon la’yihiin,” ayuu yidhi.

“Sidee muwaadinka jid xirka looga joojin karaa? waa in hay’addaha amniga na-horyimaadeen oo aan weydiino sababta ay jidka u xirayaan, sababta hooyo waayeel ah oo mooto saaran oo isbitaal u socota loo leeyahay ka noqo jidka.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale si adag uga horyimid sababaha inta badan loo xiro jidadka Muqdisho, kuwaasi oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa madaxda ee gudaha magaalada iyo wafuuda dibada ka timaada.

“Muwaadinka ayaa halkan u joogno dad kale uma joogno, waxaa rabna guddoomiye in dhab ahaan loo qaato madaxda hay’adda amniga ha la keeno. Sababta jidadka loo xirayo maalinkasta iyo asbucu kasta ee loo leeyahay jidadka waa xiran yihiin in aan ogaano ayaa rabna si aan u noqon dad muwaadiniinta u shaqeeya.”

Dhinaca kale, xildhibaanka ayaa soo dhaweeyay sharciga NISA ee la horgeeyay Golaha, isaga oo tilmaamay in lagama maarman ay tahay in sharciga cusub sidiisa loo dhaqan-galiyo, oo aysan iska noqon wax waraaq lagu qoray.

Sidoo kale waxa uu xusay in hay’adda NISA ay isku hayso laba shaqo oo ay ahayd in la kala qaado, kuwaasi oo kala ah; shaqadii sirdoonka oo amniga qaranka ka shaqeysa iyo qeybta amniga gudaha ka shaqeysa ee baaritaanka iyo dambiyada abaabulan ee argagixisada.

“Waxaa muhiim ah in hay’addaan aysan tallaabo qaadi karin iyada oo Garsoor haysan arrintaas muhiim waaye, hadda dad ayaa la soo qabta waa la xira oo la iska haya waxa celin kara waa sharcigaan, anagana waxa nagala rabaa in aan sharcigii taageerno.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63549

Posted by on Jan 30 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented