|

Ciidamada DF Somalia oo Howlgal bilaabay Kadib goobo ku dhow Villa Somalia

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo ay uga jawaabayaan weerarkii hoobiye ee shalay lagu garaacay agagaarka dhismaha Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Xamarweyne iyo Warta Nabadda.

Ciidamada Booliska oo kaashanaya qaar kamid ah maamullada degmooyinka ayaa bilaabay howlgallo lagu sugayo amniga degmooyinka dhaca bartamaha caasimada.

Howlgalkan oo lagu magac daray qof iyo guri ayaa waxaa xalay lagu bilaabay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir oo kamid ah meelaha lagu weeraray hoobiyaha.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka geysato Muqdisho.

Sidoo kale waxaa howlgalka lagu soo qabtay tiro dad ah, Qamri, Xashiis iyo Calaq, sida ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne, Daahir Maxamed Axmed oo goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay howlgalka laga sameeyay degmadiisa.

“Waxaa sameynay howlgal loogu magac daray qof iyo guri howlgalkan wuxuu ka socon doonaa guud ahaan gobolka Banaadir, si gaar ah hadda wuxuu uga socdaa qaybta bartamaha,” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka degmada Xamarweyne.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka uu yahay in la soo saaro xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex dhuumaaleysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan Xamarweyne.

“Waxaa la rabaa in la soo saaro cadowga ku dhex dhuumaaleysanayo bulshada ee raba inay qal-qal geliyaan amniga dalka, maanta hoobiye la soo tuuray canug yar oo 5 jir ah ayaa ku dhaawacmay muxuu haleeyay? oo gacmihii iyo lugihii ay burbureen” ayuu sii raaciyay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63382

Posted by on Jan 25 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Ciidamada DF Somalia oo Howlgal bilaabay Kadib goobo ku dhow Villa Somalia”

  1. howgalkaa loogu magac darey qof iy guri halaga bilaabo guriga alshaydaanka wayn ee mahad salaad isaga ka danbeeya waxa muqdisho ka dhacaya waxan aad uga xumahay shacabka muqdisho ku babaya ee u danbeeya cunaga 5 sano jirey wuxu yiri maxuu haleeyey cunuga wuxu haleeyey inu dunida meel qalad ah kaga dhashay iyo inu xasan xoolo ilahay madaxwayne uga dhigay ilaahay dadka muqdisho haka dulqaad inkaarta ku habsatay xasan oo madaxwayne ku noqda waa inkaar subxaanalah

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented