|

MUUQAAL: DF Soomaaliya oo shaacisay inay dishay in ka badan 300 oo Alshabaab ah

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha, isaga oo uu hareer taagan yahay Ergeyga Midowga Afrika ayaa ka warbixiyay howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ay guullo waaweyn ka gaareen howlgallo ka dhacay Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga kala dhacay gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Baay, sida uu sheegay Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladaas lagu dilay in ka badan 300 oo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda.

“Isu-geynta tirada Khawaarijta laga dilay howlgalladii dhacay todobadii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaareysaa 323 xubnood,” ayuu yidhi wasiir Daa’uud Aweys.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabooyinkan ay muujinayaan in dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ay guul weyn ka gaareen dagaalka Al-Shabaab.

“Taas waxay muujineysaa in ciidamada dowladda oo kaashanaya shacabka ay horumar weyn ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta,” ayuu markale raaciyay.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in howlgalladan ciidamada huwanta ay kooxda Al-Shabaab uga soo furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka dowladda waxa uu xaqiijiyey in ay 7 askari uga dhinteen weerarkii Galcad, kaas oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii ciidanka Danab iyo 5 askari oo looga dilay weerar kale oo ka dhacay deegaanka Xawaadley kaas oo isna ku jiro sarkaal sare oo la yiraahdo Shataqey.

Wasiir Daa’uud Aweys oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladu ay ka sii billowdeen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, ayada oo laga duulayo baaqii madaxweynaha.

Illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayuu xaqiijiyay inay soo galeen gacanta dowladda, waxaana ka mid ah deegaanadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63376

Posted by on Jan 25 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented