|

Askari ka tirsan NISA oo dilay laba gabdhood oo uur leh Iyo Xukun lagu riday (Daawo)

Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta lasoo taagay Maxamed Cabdi Maxamuud oo loo heysto dilka laba haween ah oo xaamilooyin ahaa, kaas oo ka dhacay degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Labadaan haweenka ah ee askarigaan uu dilay ayaa kala lahaa uur sideed iyo sagaal bilood ah, wuxuuna ninkaan ku dooday in uusan ku talagal u dilin, dilka ayaa dhacay bishii December ee sanadkii tegay.

Maxkamadda ayaa maanta la hor keenay marqaatiyaal cadeynaya in askarigaan uu si ku talagal ah u dilay labada haweenka ah oo mid ay ka tirsaneed booliska, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63358

Posted by on Jan 24 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented