|

Somaliland oo isku mari wayday Xaalada Gobolka Sool Iyo Hadal lagu qoslay oo ka yimid Nuux TAANI

Laascaanood ( Kalshaale )  Wada hadalo ay tan shalay ay lahaayeen xubnaha katirsan maamulka Somaliland iyo saraakiishooda ciidamada ayaa ilaa hadda mawqif mideysan ay ka gaadhi waayeen xaalka sida ay u wajahayaan Arinta magaalada Laascaanood, Xili Isimadda SSC iyo Bulshadu si cad u cadeysay mawqifkooda ay uga soo horjeedaan joogitaanka dhulkooda ee maamulkaas.

Xubnaha kasoo jeeda gobaladan ee madasha fadhiyey ayaa soo jeediyey In magaalada laga saaro ciidamada aan u dhalan ee ka yimi Waqooyiga, taas oo ay diideen dhinaca wasiirada kale, laakiin askartii aan u dhalan gobaladan ee ku sugnaa gudaha magaalada ayaa baabuurta shacabka u raacay deegaanadooda oo ay ka baxeen Laascaanood, sida ay muujinayaan muuqaalo laga duubay.

Dhinaca kale  Taliyaha ciidamada maamulka Somaliland  Nuux Taani oo hadlay ayaa  sheegay in gaadiidka iyo ciidanka hubeysan ee magaalada soo galay galbinayay Isimadda dhaqanka ay iyaga xukumaan, Balse  ciidamada soo galay magaalada waxaa la xaqiijiyey in ay yihiin kuwa waligoodba kasoo horjeeday damaca maamulka Somaliland.

Nuux ayaa ku hanjabay in nabadda Sool ay iyagu ku nool-yihiin “Salaad la tukan maayo, nabad guryaha lagu seexan maayo, ganacsi majirayo, haddii nabadgalyadu meesha ka baxdo”.

Dadkii ay ciidamadu dileen ayuu sheegay in ay ahayd talaabo nabadgalyada lagu xaqiijinayay, wuuna Ka tacsiyey.

Hadalka Nuux taani ayaa dad badan ku tilmaameen mid lagu qoslo, Wuxuuna Qandho jebin u ahaa Shacabka Hargeisa ee xogta haynin, Iyadoona shacabkaSSC iyo Waxgaradkoodu ay banaanka ka istaageen Somaliland.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63339

Posted by on Jan 24 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

7 Comments for “Somaliland oo isku mari wayday Xaalada Gobolka Sool Iyo Hadal lagu qoslay oo ka yimid Nuux TAANI”

  1. Mid way ogaayeen ama tuhunsanaayeen
    Dadka aqliga iyo siyaasadaha
    Geeska Africa u saaxiibkaa

    Inay Somaliland fasaxday Shirka
    Laascaanood ee odayaasha
    jufooyinka Dhulbahante

    Mid ilaa shalay dhex taalay
    Lobby hall siyaasiinta ama
    Daneeyayaasha Siyaasadda
    Africa ayaa aheyd

    Hubkaan ma waxaa leh
    Isimada, haddey leeyahiina
    Ma waxaa fasaxday
    Somaliland.

    Hadda run iyo beenba
    Waxaa shaki saarey
    TALIYE TAANI.

  2. Lobby halls

  3. Waxaan sugnaaba
    Waa natiijada shirka
    Dhulbahante

    ileen horey waxaan
    u soo daawanay
    Natiijadii Hadaladii
    Daaroodka kale oo
    ilaa hadda aan Laascaanood
    u soo dirin lacag iyo ciidan
    Inkastoo ay isku qoreen
    1 million dollars iyo
    100 kun ciidamo ah

    May be 6 bilood oo kale
    ayay isa soo aruurinhayaan

    – Natiijo Nabad ah

  4. Dadku beenta ayay jecel yihiin.Maal mahanadi oo dhan waxay arkayeen run Ssc taala.

    Waa in in yar been ah jagac looga siiyaa.
    Saa dadkan 32 sano ayaa been loo sheegayay way la qsbsadeen..

    Been la’aan ma seexdaan
    Kuye annaga ayaa ilaalinayna kk

    Dalmida

  5. Horaa cali guray u sheegay beesha isaaq maskaxda kama fekeraan ee qalbiga ayey kafekaraan,halka daaroodku maskaxda kafekero.
    Beeshii habar Awal waali ayey kudhowyihiin.
    Isaaqa mar haddaan garxajis xukumayn waa caruur adigoo bariis lawadaagaya.
    Xigmad iyo caqli laga sugimaayo qotidda galbeedka goboladda waqooyi.
    Anagii ayey dagaal nooga sheekaynayaan.
    Wallee wax aan ceeb ahayn kala tegimaysaan.

  6. Rag kaa tashaday
    Maxaad uga daba rucleysaa
    Rajo beena oon jirin
    Maxaad ugu riyootaa
    Runta maxaad u diidaa
    Ood been ugu rafaaddaa
    Raran adoo dul taagan
    Raxa maxaad u moodaa

  7. Dabshid
    War ma Dhulbahante iyo Isaaq baad u kala waramaysaa?
    Taani hadaaqiisa inaad sidii baqbaqaaqii (Parrot) ka daba dhahdo muxuu ka badalayaa arinnta Laascaanood?

Leave a Reply to Dabshid

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented