Somaliland oo isku mari wayday Xaalada Gobolka Sool Iyo Hadal lagu qoslay oo ka yimid Nuux TAANI
Laascaanood ( Kalshaale ) Wada hadalo ay tan shalay ay lahaayeen xubnaha katirsan maamulka Somaliland iyo saraakiishooda ciidamada ayaa ilaa hadda mawqif mideysan ay ka gaadhi waayeen xaalka sida ay u wajahayaan Arinta magaalada Laascaanood, Xili Isimadda SSC iyo Bulshadu si cad u cadeysay mawqifkooda ay uga soo horjeedaan joogitaanka dhulkooda ee maamulkaas.
Xubnaha kasoo jeeda gobaladan ee madasha fadhiyey ayaa soo jeediyey In magaalada laga saaro ciidamada aan u dhalan ee ka yimi Waqooyiga, taas oo ay diideen dhinaca wasiirada kale, laakiin askartii aan u dhalan gobaladan ee ku sugnaa gudaha magaalada ayaa baabuurta shacabka u raacay deegaanadooda oo ay ka baxeen Laascaanood, sida ay muujinayaan muuqaalo laga duubay.
Dhinaca kale Taliyaha ciidamada maamulka Somaliland Nuux Taani oo hadlay ayaa sheegay in gaadiidka iyo ciidanka hubeysan ee magaalada soo galay galbinayay Isimadda dhaqanka ay iyaga xukumaan, Balse ciidamada soo galay magaalada waxaa la xaqiijiyey in ay yihiin kuwa waligoodba kasoo horjeeday damaca maamulka Somaliland.
Nuux ayaa ku hanjabay in nabadda Sool ay iyagu ku nool-yihiin “Salaad la tukan maayo, nabad guryaha lagu seexan maayo, ganacsi majirayo, haddii nabadgalyadu meesha ka baxdo”.
Dadkii ay ciidamadu dileen ayuu sheegay in ay ahayd talaabo nabadgalyada lagu xaqiijinayay, wuuna Ka tacsiyey.
Hadalka Nuux taani ayaa dad badan ku tilmaameen mid lagu qoslo, Wuxuuna Qandho jebin u ahaa Shacabka Hargeisa ee xogta haynin, Iyadoona shacabkaSSC iyo Waxgaradkoodu ay banaanka ka istaageen Somaliland.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63339
Mid way ogaayeen ama tuhunsanaayeen
Dadka aqliga iyo siyaasadaha
Geeska Africa u saaxiibkaa
Inay Somaliland fasaxday Shirka
Laascaanood ee odayaasha
jufooyinka Dhulbahante
Mid ilaa shalay dhex taalay
Lobby hall siyaasiinta ama
Daneeyayaasha Siyaasadda
Africa ayaa aheyd
Hubkaan ma waxaa leh
Isimada, haddey leeyahiina
Ma waxaa fasaxday
Somaliland.
Hadda run iyo beenba
Waxaa shaki saarey
TALIYE TAANI.
Lobby halls
Waxaan sugnaaba
Waa natiijada shirka
Dhulbahante
ileen horey waxaan
u soo daawanay
Natiijadii Hadaladii
Daaroodka kale oo
ilaa hadda aan Laascaanood
u soo dirin lacag iyo ciidan
Inkastoo ay isku qoreen
1 million dollars iyo
100 kun ciidamo ah
May be 6 bilood oo kale
ayay isa soo aruurinhayaan
– Natiijo Nabad ah
Dadku beenta ayay jecel yihiin.Maal mahanadi oo dhan waxay arkayeen run Ssc taala.
Waa in in yar been ah jagac looga siiyaa.
Saa dadkan 32 sano ayaa been loo sheegayay way la qsbsadeen..
Been la’aan ma seexdaan
Kuye annaga ayaa ilaalinayna kk
Dalmida
Horaa cali guray u sheegay beesha isaaq maskaxda kama fekeraan ee qalbiga ayey kafekaraan,halka daaroodku maskaxda kafekero.
Beeshii habar Awal waali ayey kudhowyihiin.
Isaaqa mar haddaan garxajis xukumayn waa caruur adigoo bariis lawadaagaya.
Xigmad iyo caqli laga sugimaayo qotidda galbeedka goboladda waqooyi.
Anagii ayey dagaal nooga sheekaynayaan.
Wallee wax aan ceeb ahayn kala tegimaysaan.
Rag kaa tashaday
Maxaad uga daba rucleysaa
Rajo beena oon jirin
Maxaad ugu riyootaa
Runta maxaad u diidaa
Ood been ugu rafaaddaa
Raran adoo dul taagan
Raxa maxaad u moodaa
Dabshid
War ma Dhulbahante iyo Isaaq baad u kala waramaysaa?
Taani hadaaqiisa inaad sidii baqbaqaaqii (Parrot) ka daba dhahdo muxuu ka badalayaa arinnta Laascaanood?