|

DEG DEG: Garaadka Guud ee Dhulbahante oo Laascaanood ku wajahan, 15-sanno kadib (Sawirro)

Laascaanood ( Kalshaale ) Garaadka Guud Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Laascaanood.

Garaadka ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyay degmada Kalabaydh ee gobolka Sool, waxaana siwayn looga dareemayaa soo dhowayntiisa magaalo madaxda gobolka ee Laascaanood.

Garaadka oo ay magaalada Laascaanood ugu danbaysay 15-Sanno ka hor ayaa maanta tegaya, iyadoo dhowaan magaalada laga saaray ciidanka Somaliland, sidoo kalana wuxuu halkaasi uga qayb geli doonaa shir ay leeyihiin madaxda dhaqanka ee gobolada SSC.

”Haddii 1960 Aabahay aad ka diideen inaan sugno La midowga Koonfurta,  oo aad dhahdeen “laa yaa Garaad “ Maantana aniga leh laa yaa iiddoor, Dhulkayaga anaga ayaa u talinayna Hargaysa looga talin maayo Shirka Laascaanood ka furmaya waxa looga arinasanayo fariidna waa og yahay nacasna loo sheegi maayo…” Ayuu yidhi Garaadka oo ka hadlay Kalabaydh.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=63290

Posted by on Jan 23 2023. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “DEG DEG: Garaadka Guud ee Dhulbahante oo Laascaanood ku wajahan, 15-sanno kadib (Sawirro)”

  1. Garaad Jaamac G Cali

    Man of principle

    Waa taariikh wanaagsan inaad diiday maradii dhiiga islaamka laga aslay ee hariiryaha lahayd. Maantana kumaankun calamkii buluuga ahaa wataa kugu soo dhaweeyaan Gurigaaga..

    Sheekada malayshiyaadka samo diidka ah ee ku sugan deegaanka haday dagaalamaan iyo haday tagaanba mashruucaan waa fashilmay..

    Waa badbaadadii qarniga ee MARYOOLEY ka dawlad iyo ummad ahaanba, mashruucii beenta ku dhisnaana waa ku daayeeeey..

  2. Garaad soo dhowow. Sida. Garaad Cabdirizaaq Ka badheedh adna inaan nimankii dawladeenii dhisnayd riday 30 sanoka hor aan toodu dhismayn

  3. Nin waliba cadkuu leeyahaa Lagu ciseeyaaye

    Waa Hiba caadilkeen baxshoon
    Cidina diideeyne

    Iidoorkaase cirkoo saafiya
    Caadku u koraaye

    Markay baarixiga cunaan bay
    Wada cataabaane

    Colaadna dhulbahante
    Looma coontiye e

    Curadyadii Daraawiish Iiddoor
    Lama caweeyaane

    Candha-land Reer garaad
    Lama casheeyaane

    Bal car soo Cumbri Itaal
    Caawa Waxad hayso

    Iimaan Kaaha kintirweyn mayla socotaa

  4. Waxaan u qaatey inuu yahey
    Garaadka Garaadada

    Waxaan hubaa Max’ed Siyaad
    kahor inuu Dhulbahante lahaa
    Hal Garaad
    Qilaafkuba halkaas ayuu ka
    Bilowday maxaa yeelay
    Jufaba Garaad ayay Sameysatay

    1. Iimaam
    Curadka ( Harti Abgaal)

    2. Ugaas
    Curad-xigeenka (Wacbuudhan )

    3- Suldaan
    – Yaraanka ( Warculus/Waceysle)

    4. Malaaq
    ( Qeyb ka mid ah
    Cudar xigeenka Wacbuudhan )
    REER MATAAN

    Kadib
    Waa odayga reer hebel
    oo jufo kasto leedahay

    Lkn
    Inuu Nimaan aheyn
    Reer IIMAAN sheegto Iimaanimo
    ( waa waxaan dhaceyn)

    • Dabshidoow Waxaad tiri waan Hubaa in Dhulbahante lahaayeen hal Garaad Siyaad Bare kahor! Sheeko walba oo Aad sheegto oo Aad is leedahay waad hubtaa inta badan waa been ama ku talogal ama is moodsii! Kacaanku wuxuu dhashay iyadoo Dhulbahante leeyahay afar Garaad! Garaad Cali, Garaad Maxamed, Garaad Ismaaciil iyo Garaad Soofe, Dhulbahante leh hal Garaad waxa ugu dambeysay 250 sano!

  5. = Iimaamnimo

Leave a Reply to Somali galbeed

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented