|

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka hadlay xaaladda Laascaanood.

Garoowe  ( Kalshaale ) Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadkii wax ku noqday dhacdooyinkii bahalnimada ahaa ee maamulka Somaliland ka gaystay magaalada Laascaanood maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariistoo intii dhimatay, inta dhaawaca ahna u boogo dhayo

Dadkaas shacabka ah ee aan u hubaysnayn ee la laayey waxay usoo bexeen keliya in ay ka dhiidhiyaan ugaadhsiga lagu hayo dadkii berimagaydada ahaa ee muddooyinkii u dambeeyay lagu ugaadhsanayay magaalada Laascaanood.

Waxaan la soconaa in intii maamulka Somaliland uu joogay Laascaanood lagu dilay tiro dad ah oo kor u dhaafaya 100 ruux. Dadkaas waxaa ka mid ahaa, dhallinyaro, Haween, Culimo. Cid la dhaafay majirto. Dadkaas waa la dilaa, cid dishayna cidi isma weydiiso ilaa iyo hadana cid loo soo qabtay dilalkaas ama loo maxkamadeeyay majirto.

Waxaan kaloo la soconaa in ciidanka ugu badan ee maamulka Somaliland uu joogo Laascaanood iyo nawaaxigeeda, magaaladuna ay noqotay xero ciidan (military garrison)

Marka la eego inta magaaladu baaxadeedu le’egatahay iyo dadka ku dhaqan, Laascaanood waxay noqotay meesha ugu badan ee lagu laayo dadka indheer garadka ah, marka la barbar dhigo magaaloyinka kale ee Soomaaliya.

Amni xumada magaalada ka jirtaa waxay sababtay in dadka intii wax haysatay, intii dhaqaale kusoo kordhin lahayd, intii aqoon kusoo biirin lahayd, qurbajoogtii ay isku soo halayn waayaan amniga magaalada oo meelo kale aadaan. Arintaasna waxa ka dhashay dhaqaale xumo baahsan oo saameeyay nolosha bulshada. Dabargoynta bulshadu waa in lagala diriro maskaxda iyo maalka. Waana waxa ka socda Laascaanood.

Waxaan bogaadinayaa shacabka dareenkooda cabiray ee ka dhiidhiyey dhibka iyo tacadiga muddoba lagu hayay. Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Laascaanood in aanu marwalba barbar taaganahay, lana qaybsanayno dhibka, ogsoonahayna waajibaadka dastuuriga ah ee naga saaran badbaadadooda iyo diifaacidooda.

Dadka la shaqaysta Somaliland ee diiday awaamiirtii guracnaa ee la siiyey iyagoo u tudhaya tixgelinayana dareenka shacabkooda, waa ku mahadsanyihiin. Waxaase kasii wanaagsanaan lahayd amar diidadaa inay ka dhiciyaan kuwa gabood falada u geysanaya dadkooda. Inkastoo aynu kala mabda,a duwanaan karno, hadana waxa inaga dhexeeya dalka iyo dadka. Waxaa waajib inagu ah inaynu sugno xuquudooda, sharaftooda iyo madax banaanidooda.

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in ay isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan midnimadooda. Waxaan u sheegaynaa ummada Soomaaliyeed in markasta aan u taaganahay midinimada iyo dowladnimada ummada Soomaaliyeed, laakiin taaas macneheedu aanu ahayn in dowlada Puntland ay ka tanaasushay ama aanay dareensanayn waajibaadka saaran difaaca shacabkeeda iyo ilaalinta jiritaankeeda.

Dowlada Puntland waxay jeceshahay aminiga, xasiloonada iyo wada noolaanshaha dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Puntland cidna duulaan kuma aha laakiin dowladnimadeeda iyo dadkeedii baa Somaliland duulaan ku tahay. Somaliland ayaa kusoo duushay welina duulaan ku ah dadka iyo Dhulka Puntland.

Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.

Waxaan markale ku celinayaa in dowlada Puntland ay la garab taagan tahay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiil iyo hooba iyo wax kasta oo kaga aadan difaacidooda iyo nabad galyadooda.” Ayuu yidhi Madaxwaynaha Puntland Siciid deni.

– DHAMMAAD –

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62696

Posted by on Dec 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka hadlay xaaladda Laascaanood.”

  1. Kkkk

    Waan hubaa inuu marka hore
    Waraaqda uu kasoo Saxaa ama hubiyay
    Muuse Biixi

    Tukoraq inaad waraaqda ka soo dirto
    Ayaa kuu wadno adkayd waa intaas oo
    Aadba dhiman waydaaye

    Dabodhiigle Majeerten iga dheh
    ( sorry wixii warxumo ah @ Mr Jabhad )

  2. Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk, Horta siciid deni ma calaacalayaa mise waxbuu ka hadlayaa waaba garan waayay waxa uu sheegayee.

    Aniga wuxuu iila egyahay nin ay baqdini hayso, waana dhab midaas maxaa yeelay ciidanka somaliland baa boocame jooga oo aqalka siciid deni korr ka daawanaya oo xitaa waxa ay u jeedaan dariishada musqusha ay reer deni galaan kkkkkkkkkkkkkk.

    Marka la yaabi mahayo sida jilicsan ee siciid deni uu u hadlay.

    Wallee Dhabayaco ninka ugu caqliga badan waa deni, deni waa nin ogg isku taag-taaga isaaq in uusan qeyr uga imaaneyn oo ay u fiican tahay in meel uu ka joogo.

    Siciid deni halyeey majeerteen weeye, sababtoo ah qabiilkiisa buu bad-baadsanayaa si somali-land aysan ugu dur-durin/ ugu tuman kkkkkkkkkkkkkk.

    Mar uu deni hadlayay buu si dadban u muujiyay cabsidiisa, waana kii lahaa anagga cidna duulaan kuma nihin ee anagaa nalagu soo duulay oo isaaq baa boocame noosoo fariistay habeenkiina garoowe bay noogu yimaadaan si ay noo kala seexiyaan fiidka horre kkkkkkkkkkkkkkkkkkk, wallee deni dhabayaco waxba umuu qarin kkkkkkkkkkkk.

    Viva siciid deni, madaxweynaha maamulka pint-land.

  3. Dabshid
    Isaaqa waxay degaan the second largest city in Somalia aka Hargeysa and second lagest deep water port in Somalia aka Berbera. Hadana 50 % shacabka biyo nadiif ah iyo casho ma haystaan, 32 sano dal ismaamula yihiin, maxaa buuq iyo dhul Harti colaad uga wadaan. Something is wrong.
    May sida Puntland tuulooyinkooda ku mashquulaan oo nolol ka samaystaan..

    Walle ceeb bay kororsanayaan ee Sool iyo Sanaag xoog ama xeelad midna lama goosan doodaan, waayo Dhulbahante waa narural born free and Somali nationalists.😬
    Yaan la isku karaamo seegin, aniga Somali wada nool Isaaq iyo Dhulbahante walaahi waan ku farxin laakiin marka colaad qabiil tagto xoog ma jiro…taas yaan ogeyn.

    Somaliland waa in dib uga gurato ciidankeeda reer Laascanood oo kacsan…waa in soo maraan xagga dhaqanka iyo walaalnimada, maaha arin millitary xalin karo.
    Haddii kale waa last time calan Somaliland la suro Taleex, Laascaanood etc.
    Isaaq ha goostaan dhulka degaan, maxay Dhul Harti ugu rafaftaan…. Laangaab riyo ku jira.
    War hoj Iidooroow colaad aynaan tabar u hayn oo adinka hurinaysaan ka jooga….

  4. Ar Dhabayaco faan badanaa afar iyo labaatanka saac faan (Is Faanis) unbeey ku jiraan.

    1. Dhul intaas la’eg baan degnaa, hadde ogoow dhulkaasi waa dhul qarboosh oo badankiisa lama degaan qalalan ah.

    2. Somaliland baan iska dhicin karnaa, marka ciidamada somaliland ay garoowe iyo boocame yimaadaana buuraha baa laggu cararayaa kkkkkkkkkkk.

    3. Xoolo baan heeysanaa kkkkkkkkkkk, oo xoolo aan qubbo aheyn halkee bay ka keenayaan.

    4. Sacad bay isku taag-taagayaan, car baraxley noosoo dhaafa, markii loosoo dhaafo oo suusacleey loogu yimaadana barri (gobolka barri) kama sokeeyaan oo weeyba carareen kkkkkkkkk.

    5. Xoolo iyo daqli intaas la’eg baan heeysanaa, hadana kartoon buskut dufan doofaar laga sameeyay oo naag mufsidad ah ay wado bay 100 wiil isagga dilayaan, kuna darsoo canshuurtii muqdisho iyo wixii gaalada ka yimaada gaaweeto weyn oo tan maamulada kale ka weyn bey u sitaan safkana iyagaa ugu soo horeeya oo habeen barkii soo gureeya, marka meeday waxa (dhaqaalaha)ay sheegayaan , yaab!!!!!!!!!!!!!!.

    Walleee dhabayaco faan buq, buq, iyo been bay carigii/dhulkii ku nijaaseeyeen, Alloow dhabayaco ilaa iyo teer iyo goorma ayey faani doonaan, armeey qiyaamaha faan been ah la yimaadaan kkkkkkkkkkkkk.

    Dhabayacooy mar marka qaar oo la faani karin baa jirra ee ogaada, sida hadda oo kale oo dhulmahante ay dabka saaran yihiin boocame ciidamadii joogay ee isaaq-na ay careysan yihiin.

    Hayeey dhabayacooy, wallee warbaa idiin yaala.

  5. Daarood qaniis daba weyn ayaa dhibaato kuhaya kulahaa amniga aan sugno ciil badanaa
    ilaahooow kuwaan magaca daarood ee sharafta leh kadhig waa wada bidixda
    Rawaahu daahir calasoow gob muxuu dad arkay
    Waxay qaniisiinta dhabayaco rabaan in kacdoonka lajooojiyo

  6. @Lop

    War lop maxaad uga hadli weyday arrinta siciid deni, yacni miyaad aragtay qaabka cabsida ka muuqato ee siciid deni uu u hadlay.

    War dhulmahante sidaan si ka duwan bay idinka sugayeen kkkkkkkkkkkkk, xitaa website-yada wararka ee soomaaliya aad bay u yaabeen, waxay soo qoreen deni oo sidii la filayay maahee si kale u hadlay ka dib maalmo uu dhuumasho iyo aamusnaan ku jiray kkkkkkkkkkk.

    Yacni waxay ula jeedaan deni iyo dhabayaco waxaa lagga sugayay oo lagga filayay in dhulmahante ay u gurmadaan ama ugu yaraan hadal kulul oo cambaareynta somaliland iyo dhiiro gelinta dhulmahante ah ay soo saaraan, kkkkkkkkkkkk, laakiin deni kuye, somaliland isku taag-taag ma leh ee dhulmahtoow ani iyo reerkeey dhabaco banaanka lee waaye kkkkkkkkkkkkk.

    Dadkaas baa faanayee ka warama.

    Lop maanta ka dib faan waa kaa xaaraan oo siciid deni baa ku ceebeeyay ee isagga u qabso kkkkkkkkkkk.

  7. Digriyow
    Aniga mid ayaan ogahay, Laascaanood walaahi in nin Isaaq ah xabad ka ridi karin oo dili karin qof Dhulbahante ah, Haddii kale sheekadaan beel laynaysa beel kale isku bedeli lahayd.
    so called: Cidanka qaranka Somaliland oo Laascasnood jooga waa isla Dhulbahante…ninka taas ogeyn hooyadiis ha waso.
    Sorry in Shacabka Laascaanood la xasuuqo oo reer Burco iska qayilataan….Reer Burco ama Somaliland Dhulbahante isdilaya maxay ugu mashquulin..run
    Beeso u dir shayn!!!!
    Ciidanka Mahad Cambaashe wato iyo walaalkiis caruurtiisa oo mudaharaad iyo toogasho ka dhacday…
    What is the problem?
    Who is killing Who?😙 till me!

  8. Gedo Land
    Yaa Daarood kula ah?
    Daarood waxaan ka baxnay 1969. Kkkk
    For your information, I am Puntlander.
    Futada gasho Daarood😁

  9. Marka iidoor la soo hadal qaado! cayayaanka magacyada badan isma hayn karaan
    dadkaasi waa cajuuska munaafaqa ah ee dabshid, wiil hiraab, iyo nacaska digriyow wata!!

    Runta hadaad wajihi waydo waa lagugu khasbi inaad wajahdo!!

    Having said that, dhulbahante iyagaa is dhigay meesha xun ee ay yaalaan!!
    waa nimanka garan waayey inay cadowgooda u midoobaan!!

    Hadda iidoor cadaawadda ay u qabaan dhulbahante way caddeysteen! ninkaan horey u ogeynow haddaba ogow! waxaan arkayey kuwo ducufa ah oo leh, dhulbahante iyo isaaq waa wiil iyo abtigii oo way is dhaleen! war waxaasi waa khuraafaad ee nimanku waa cadow e iska dulqaada!

    waa qabiil yar oo tabar daran! ingiriiska hubka iyo lacagta siiya ha loo sheego
    wuxuushtan caqliga xun, ka dibna dagaalka dib u xorayntu ha billowdo,
    wakhti dambe yuusan idinka lumin!! taageero badan baad helaysaan!

    Kuwa dhulbahante ee maamulka hargeysa ka tirsan digniin kama dambays ah siiya
    hadday idin maqli waayaan, toogasho ku xukuma!!

    Say hadda wax yihiin wax la aqbali karo maaha!

    Inaad ku sifowdo. “ hasha labada geel jecel”. waxay ku dhaxal siin waxa maanta laascaanood ka taagan!!

    haddaad quudhsi yeesho iyo inuu qabiil yari kuu dowladeeyo. waa inaad aqbashaa wixii dhib ah ee laguu gaysto!!

  10. Lop war heedhe markay kula hadlaan wiilal yaryar oo idoor ah maxaad iskugu dhex Yaacdaa maxaase la ruxataa?maxaase hadal jilicsan ugu dhawaaqdaa?maxaa si kaa ah ?ma is bay kaa hay aan?mise fuleynimo kugu jirta aad la cabsataa?war doqon yahaw sida isku dhaan oo yaan lagaa dareemin fuleynimada ee kor isku qaad oo sharafta iyo qadiyada difaaco .lop waadba dhuumaneysaa haddii mid xun oo idoit ah uu kula hadlee war toosi luquntaada.

  11. In eey doofaar daanyeer yahiin Dhulbahante waxaa kuu caddeeyn sidda Majeerteenka oon u naxeeynin eey iskugu dhadhajinyaan Dhulbahantaha cawaanta ah!.

    Harti wax la dhaho, iyo Daarood wax la dhaho in eeysan jirrin waxaan oggeeyn qabiiladda daanyeerta ah, just like eeysan u jirrin wax Hawiye la dhaho iyo wax la dhaho Habargidir.

    Dad ayaase ku qaraabta, ku shaqeeysto magacyadaan oo spin garreeya mar walba.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  12. Car waa kaase
    Hadii eey Daaroodnimo run tahay, Daaroodow burraanbrur iyo blah blah iyo cabaad ku daggaal galliya Majeerteen! Not happening!

    They aren’t buying your cool aid iyo waxa qashinka ah oo aad gaddeeysaan.

    That is why we, Hawiye. Have been telling you, at least the decent good Hawiye. Waanna sababta uu madaxweeyne Hasaan Shiiq u doortay nin Absamme, ogaadeen ah as a ra’iisalwasaare, to make a point!
    Cawaanta Daaroodka iyo yaryarka agoonta kacaanka ma fahmi karraan middaas. Sababtoo ah waxeey u barteen sheekadii Siyaad Barre, masse ogga, that time is long gone!.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  13. Baarqab.
    Aniga daanyeer Gedo sheegta ayaan la hadlay.
    Cidkale hadalkayga kuma socdo.
    Ninbaan jawaab siiyey..meeshaana waa saas.
    Sheeko ayaa ka horaysay erayga qoray.
    Waana run oo haddii qabiil dhalasho jiro Somalia maba dunteen..
    Somalia waxaa dumiyey dad qabiil isla sheegta laakiin afka ah.
    Tusaale Hawiye markii Daaroodkii Xamar uga baxay dib u xasuuso Caydiid vs Cali Mahdi.
    Muuse Suudi vs Cumar Filish
    Cisman Caado iyo Caydiid.
    Qanyare Yare vs daanyeertii kale.
    Xuseen Caydiid vs Cabdiqasin Salaad etc.
    Uma baahni in ka hadlo SSDF iyo Kacaankii ama SPM iyo Barre Hiiraale iyo Goobale aka Walaalaha Galguduud.
    Haddii qabiil jiro maxay ugu heshiin wssyeen, May Harti heshiiyaan…
    Somali haddii xitaa qabiil iskugu keento kuma heshiinayaan.
    I just beleive federal states…I am only Puntlander..cidkale iska daa xitaa ma aaminsani jufadayda Cumar Maxamud in beel ahaan isku nabadgelinayno.
    Tuuladaada dhiso oo deriskaaga nabad kula noolow.
    Qabiil take us no where, clanish way is dead end.

  14. Horta dhulbahante ha fikiraan.Maaha inay isku qufulaan Isaaq iyo nacayb qabiil. Danaha Reerka dhulbahante ha ka fikiraaan.Maaha inay ku jiraan dhib laga bixikaro.

    A( Haday Beesha Isaaq ka cabayaan oo Isaaq wax walba ka diido ha wadaan dagaalka ay ku jiraan,kaasi oo ka turjumaya danta dhuloos.

    B) Dhulbahante maaha inay ku mashquulaan Somaliwayn iyo wax gacan Mooryaannees ku jira oo 91kii la dilay.
    Somaliwayn uu Mooryaan qudhunsaday oo noqotay magac lagu dawarsado hayska iloobaan.Saa wax faaiido ah oo ka soo galayaan ma jirto.Dadkaasi maba aha dad Somalida iyo qaranimo yaqaane waa maxaan cunnaa.

    Waagii uu shariifku ahaa Madaxwayne ee uu Dayib Erdoğan yimid Muqdidho ayuu Erdoğan ka sheekeeyay Geesiniba Somalidii hore iyo sida u lahaayeen hogaano fiican.Erdogan ayaa ka sheekeeyay waa hore oo uu xidhnaa Siyaasada inuu akhtiyay historiga Somalidii hore.Adal Empire.

    Erdoğan ayaa sheegay in dawladii Adal u soo gurmatay Turkiga oo dagaal ku jira,iyo inay dawladoodu ahayd mid saamayn ku lahayd aduunka Islaamka.Shariifka oo Unukaale ku barbaaray wuuba garanwayay Adal Empire.

    Isku soo wada duub oo dhuloos ha tashadaan wixii dantooda ah.Waa sax taasi,laakiin yay ku qaldamin Mooryaan Muqdisho diirtay Somalinimada uu soo sido.

    Dalmida

Leave a Reply to Cadaado

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented