|

Sheikh Shariif, Khayre Iyo Gaas oo ka hadlay Xaalada Laascaanood iyo gumaadka shacabka.

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, Raysal wasaareyaal hore C.wali Cali gaas, Xasan Cali Khayre, Cumar C.rashiid Cali Sharma’arke, Iyo Madaxwaynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay inuu joojiyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Laascaanood.

“Maamulka Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan, Xaquuqda, Badqabka, Sharafta iyo dhiiga Shacabka Soomaaliyeed”.

Waxaanu si wadajir ah uga xunahay dhibaatooyinka Iyo Rabshadaha dhiigu ku daatay ee maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood.” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62675

Posted by on Dec 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Sheikh Shariif, Khayre Iyo Gaas oo ka hadlay Xaalada Laascaanood iyo gumaadka shacabka.”

  1. Waxa ka socda magaalada laascaanood wax loo dulqaadan karo ma aha.waa inay laynta dadka cidii wada.maanta looma baahna in soomaali isku laabato.

  2. Laascaanood cid aan ka haybasanayno majirto
    Walaahi markaan sifiican baa gacanta laysu saari waxaan arkayay odayaasha absame ee jigjiga fadhiya oo udhaaranaya muuse biixi
    War muuse biixi rag buu adeegsanayaa
    Ragaasuna laascaanood ayay joogaan waana dhulbahante waa in dab lagu gubaa canaasiirtaas damiirlaawayaasha ah ee hooyooyinkayaga iyo cuqaasheena laynaya
    Ayaga beri xagee aadi doonaan laascaanood waa lagu kala bixiye
    Wixii hore waa soo dhamaadeen isir nacayb baa socdaa wixii lakala helo aan aragno

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented