|

Wararkii ugu danbeeyay Laascaanod, Sheikh la dilay iyo kacdoonka shacabka SSC

Laascaanood ( Kalshaale ) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kacdoonka Shacabka Xaq u dirirka ah ee ka socda magaalada Laasaacnood, iyadoona maanta culimada masaajidu ay ku dhowaaqeen Jihaad iyo maleeshiyaadka Somaliland ay isaga baxaan Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ayaa maanta oo jimce ah dad hor leh ku dilay magaalada Laascaanood, Waxaa sidoo kale jira dhaawac kala duwan, Sidoo kale jira dad badan ayaa la xidhay, iyadoo Ciidamada RRU ee Ingiriisku maal geliyo ay dadka ku gumaadayaan magaalada Laascaanood.

Dadka ay ciidamadu toogteen waxaa kamid ah Sheikh Bidde Faarax Caalin oo kamid ahaa odayaasha iyo culimada gobolka Sool, wuxuuna maray jidkii walaalihiisi ka horreeyey ee ku dhintay halganka.

Sidoo kale Xubno kala duwan ka hayey maamulka Somaliland kana soo jeeda Sool ayaa ku dhowaaqay inay isaga tageen xilalkii ay hayeen.

Ardaydii wax ka baranaysay jaamacadaha Somaliland oo iclaamiyey inay gobolkoodi dib ugu laabanayaan iyo banaanbaxyada Gobanimo doonka ah oo weli sii socda.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan oo Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada Somaliland ay ku hayso shacabka Laascaanood.

Alle ha unaxariisto Shahiid bide faarax oo ciidamada somaliland ay toogteen xili uu kasoo baxay salaadii duhur.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62672

Posted by on Dec 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Wararkii ugu danbeeyay Laascaanod, Sheikh la dilay iyo kacdoonka shacabka SSC”

  1. Ilaahay how naxariisto dhamaan inta lagu laayey laascaanood oo mar kale isu taagtay inay tiraahdo dooni mayno snm dooni mayno gooni goosad intii ku shihiiday oo dhan janadii fardoosa ilaah haku casuumo intay katageena meesha ay kabaxeen kuwo ka khayr badan ilaah howgu bedelo aamiin aamiin aamiin halganku WAA INUU SOCDAA HADII BOQOLAAL KU DHIMANAYAAN SHACABOOW

  2. Innaa Lilaahi wa innaa ilaahi raajucuun
    Alle ha u naxariisto marxuumka
    Samir iyo iimaana Alle
    haka siiyo eheladiisii.

    Aamiin

  3. Runtii waa yaab.Dad dhulkoodii jooga oo xabad lala dhacay haday banaanbaxaan.

    Waxan maqlijiray Siyaad Barre ayaa na laayay iyo sheeko oohin wadata.Xaqdaro ayaa nagu dhacday iyo oohin socotay tan iyo intii soo jiray.Isla kuwii oohinta badnaa ayaa maanta xabad la dhacay shacab banaanbaxaya.

    Isla kuwii ka cabanayay kacaankii ee Dictatorka ku sheegayay Siyaad Barre ayaa bilad siinaya Ismaaciil Cumar Geele kkkkkkk

    Dadka Somaliyeed waa Ummad Allow sahal ah.
    Dadkii ugu munaafaqsanaa ee aduunkan soo mara inay yihiin ayaan umalayn.

    Tani way isku dabar go’aysaa.

    Dalmida

  4. Muuse biixi iyo kabaqaadyadiisa waa markii idiinku danbaysay magaalada taariikhda soomaaliyeed leh laascaanood
    Kuwa damiirlaawayaashaa ee dadkooda xasuuqaya sida mahad canbaashe silicbaa kuu danbeeya meel aad kunoolaato ayaad waayi doontaa

  5. Dhulbahante waa dadka ugu dagaal yahansan Harti..
    Horgaleyaasha Dhulbahante iyo xoogaa lacag ah ugu dagaala Somaliland, shacabka ma eabaan maamulka goonigoosadka Isaaq.
    Hadday goosanayaan ga goosteen dhulka degaan, if we care.
    Dhul Djibouti ka weyn ayey degaan Isaaqa May goostaan dhulkooda, maxaa Dhulka Dhulbahante ugu dhaqan yihiin.?
    Iidoorka haloo dheego, walaahi in xuduud laba dowladadood la dhexdhidoonin Harti. Run

  6. Waxa ka dhacaya Laascaanood waa waxba amabba nothing marka la barbardhigo waxa ka dhacayay Mogadishu, iyo Koonfurta Somaliya 32dii sanno ee lasoo dhaafay.

    Siddaas oo eey tahay waa qalad waxa ka dhacaya Laascaanood, waxaanse gubbaa in waxa socda lGu soo karkarriyay shirking la lahaa maalin dhaweeyd Dhulbahante ayaa ku yeeshay Ethiopia. Iyadda oo looga dan leeyahay in dagaaladda qabiilka iyo waxa Somaliya ka dhigay sidda eey tahay la geeyo meel walba including waddamadda darriska ah.

    Land of punt, ninyahow waad qaldantahay marka aad leedahay Isaaqu dhulkiisa ha goosto, oo addiga oo Majeerteen ah, waxaad sii sharciyeeyn rabtaa caqli daanyeernimadda Isaaqa iyo Majeerteenka qaarkood waddaan oo ah, kala qeeybinta iyo kala gooynta dalka Somaliya.

    Arrinka Dhulbahante meel xun ayeey gashay, caqli, caddaalad, iyo geesinnimo ayeeyna u baahantahay in laggu xalliyo, iyadda oo danta Somali laga hor marrinayo wax walba, oo sheekadda Daarood iyo Isaaq iyo blahblah Harti ee munaafaqnimadda ah lagu shaqeeyneeynin.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  7. Isaaqa waxay degaan the second largest city in Somalia aka Hargeysa and second lagest deep water port in Somalia aka Berbera. Hadana 50 % shacabka biyo nadiif ah iyo casho ma haystaan, 32 sano dal ismaamula yihiin, maxaa buuq iyo dhul Harti colaad uga wadaan. Something is wrong.
    May sida Puntland tuulooyinkooda ku mashquulaan oo nolol ka samaystaan..
    Walle ceeb bay kororsanayaan ee Sool iyo Sanaag xoog ama xeelad midna lama goosan doodaan, waayo Dhulbahante waa narural born free and Somali nationalists.😬
    Yaan la isku karaamo seegin, aniga Somali wada nool Isaaq iyo Dhulbahante walaahi waan ku farxin laakiin marka colaad qabiil tagto xoog ma jiro…taas yaan ogeyn.
    Somaliland waa in dib uga gurato ciidankeeda reer Laascanood oo kacsan…waa in soo maraan xagga dhaqanka iyo walaalnimada, maaha arin millitary xalin karo.
    Haddii kale waa last time calan Somaliland la suro Taleex, Laascaanood etc.
    Allow dadkaaga aqli sii.

  8. Land of punt,
    Haddii aad rabto in qof iyo dad Isaaq ah aad ku sassabto waxaad heeysataan caasimaddii labaad iyo dakadii labaad waàd ku qaldan tahay saaxiib.

    Isaaqu ma goossan karraan, manna goossan doonaan caasimad labaad iyo dakadda labaad. Addiga oo Majeerteen ahna ma billilqeeysan kartid Boosaaso iyo dhul Somalia oo dhan ka dhaxeeya. Big facts.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  9. Cadaado
    Iisheeg waxa Dhulbahante ugu dhimanayaan in Somali mid ahaato.
    Adinka ninkii Dhulbahante ah oo Xamar yimaada oo Somalinimo iyo midnimo ka hadla sidii Cali Khaliif aad leedihoin: maha Unukas leh, xoolohii Kacaanka uga barateen ayaad dadinaysaan.!!!!
    Iisheeg Somalinimo cidkaoe rabin waxa ugu dhimayaan.
    Aniga ayaa kuu sheegin: waa daanyeer aqli xun Dhulbahante..
    Sxb you need two person to dance Tango.

    Waagii Somalinimo la gaaro hala gaaro inta ka horeysa dal iyo dad waa haystaan ee ha midoobaan, tafaraaquq iyo kala qaybsanasn ayaa halkaas dhigay, daanyeerta.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented