|

Ciidamada DFS oo ka qabsaday magaalo cusub oo ka tirsan gobolka Hiiraan

Baladwayne ( Kalshaale ) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa dadka deegaanka ayaa Maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Buurweyn oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Dagaal kooban ayaa ku dhexmaray deegaanka Buurweyn ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa kooxda Al-shabaab oo deegaankaasi ka talinaayay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka kooban ee deegaankaasi ku dhexmaray ciidamada iskaashanaya iyo kuwa Ururka Al-shabaab, hayeeshee wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in xaafadaha deegaanka Buurweyn lagu arkayo ciidamada Macawiisleyda oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaano ay ku xaqiijinayaan amniga deegaankaasi.

Shalay ayay aheyd markii ciidanka dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ka baxay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ay si nabadgalyo ah ku gaareen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo maalin ka horna sidoo kale Al-shabaab lagala wareegay degmada Aadan Yabaal oo aheyd taliskii ugu weyna Shabaab ee Shabeellaha Dhexe.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62049

Posted by on Dec 7 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented