|

Wiilka uu dhalay Madaxwaynaha Dalka Uganda oo markale qaaday Tallaabo la yaab leh

Kampala ( Kalshaale )  Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa mar kale xiisad cusub lugaha kula jira, kadib markii yu Twitter kiisa kusoo qoray farriin uu ku sheegayo “haddii aad likes badan isiisaan waxaan beddelayaa aabbahey”.

Sida xogaha ay muujinayaan, Ilaa hadda 7k oo like iyo 2.1k RT ayuu helay, walow Dadka Uganda tiradooda ay tahay 47 Million oo qof.

Inkasta oo uu dhowr jeer wiilkan uu iska fogeeyay damaca uu ku beddelayo aabbihiis haddana Museveni ayaa la rumeysanyahay in uu u diyaarinayo wiilkiisa sidii uu xukunka ugala wareegi lahaa.

Sida taariikhda ay xuseyso, Qoyskan ayaa dalka Uganda maamulaya tan iyo 1986-dii.

Farriimo hore oo uu qoray ayaa hadal heyn abuuray waxaana ka mid ahaa markii uu ku hanjabay in uu Kenya ku qabsanayo laba todobaad waliba degayo dhismaha Riverside ee Nairobi iyo in Haweeneyda Raisalwasaaraha Talyaaniga uu 100 neef Lo’ ah ku rabo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62046

Posted by on Dec 7 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented