|

Siciid DENI oo Muqdisho kasoo noqday iyo Arin lama filaan ah oo Xasan sheikh uu kala kulmay

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta (Isniin) dib ugu soo noqday magaalada Garoowe,  Wuxuuna Safarkiisa Muqdisho qaatay maalin iyo saacado, taasi oo ka dhigeysa safarkiisa midkii ugu gaabnaa ee ugu baxo meel ka baxsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga wada-hadlay mad-madow soo kala dhex-galay labada masuul iyo dalabaad uu watay Deni.

Wararka laga helayo kulanka Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo qaatay ku dhawaad 4 saac ayaa waxay sheegayaan in aan kulanka wax is faham ah ka soo bixin, taasi oo kaliftey in madaxweynaha Puntland uu si deg-deg ah uga soo baxo magaalada Muqdisho.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto,  Mana cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Dhinaca kale Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo kulanka  shalay ka dhacay Madaxtooyada ee Villa Somalia , waxaana la sheegay in madaxweyne Xasan Sheekhku gacan seydhay in uu Saciid Deni ka ogolaado in uu dibad joog ka noqdo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, taasi oo salka ku haysa muddo kordhinta uu sameeystay Lafta-gareen.

Deni ayaa sidoo kale waxa uu weydiistay madaxweyne Xasan Sheekh in uu xakameeyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo uu ugu horeeyo Agaasimihiisa Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud, Waxaana Madaxwayne  Xasan Sheekh ku adkeystay in DFS ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta shuruucda dalka oo ay ku jiraan maamulada, sidaas darteed uusan aqbali karin dalabkaasi oo ay Deni ka wada socdeen Lafta-gareen.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=62041

Posted by on Dec 6 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “Siciid DENI oo Muqdisho kasoo noqday iyo Arin lama filaan ah oo Xasan sheikh uu kala kulmay”

  1. Deni wuxuu leeyahay meesha
    iiga qaada ninkaan Dhulbahante
    ee Mr Xijaar

    Xassana wuxuu leeyahay haddan
    Xijaar ka qaado waxaa imaan
    Wiilkii Leylakase Max’ed
    Ama wiil reer Diini ah

    Deni oo ah nin waqtiguu uga dhamaadey
    Farmaajo ayaan xilka dhaafin ayaa hadda
    u soo JEEGO JARTAY ‘ Xijaar ayaan dhaafin
    Xilka.

  2. Governor Deni siyaasadii wuu ku dawaqay inuu iskaga haro Siyaasada ayaa loo Qaatay.

    Majeerteenoow miyaydaan u diir naxaynin Ninkan waashay Jaale Deni ee noqday Doqon aan dibir ka daalin…! Waar meesha ka kaxeeya bilaa caleek intaan ka Badan waa ceebee.

  3. Deni-dibiro waa nin tolkii u.xoog wayn.
    Xasan Shiikh wuu ku saxan yahay inuu albaabka kasoo xidho

  4. Xasan Sheik waa ogyahay in Deni dagaalkiisa dan ugu jirin.
    Farmaajo oo tolkiis ayey isku dileen, maxaad Jubbaland iyo Puntland ka rabtaa oo cunaha ugu dhagan tahay.
    Xitaa Khaatumo ha aqoonsan laakiin in dad jira jihiin qiro oo howshooda ku jiro…you ka baqayey?
    Deni Somalia bar ayuu xukumaa weliba dad dowlad adeec ah oo in loo taliyo ogol oo canshuurna u ogol.
    Xasan Sheik farta uguma yeeri karo Deni sida Galmudug, Hirshabeele iyo Koofur Galbeed oo dhaqaale ka suga deeqda Xamar adduunka siiyo.
    Dad xoolo nool, Kalluun, beeyo iyo Ganacsi leh iyo shacab 60 degmo canshuur dhiiba, ma Xasan Sheik ayuu u nacam layn si dowkadiisa u shaqayso..NO.
    Heshiiska raac haddii kale Baraxley ha iisoo dhaafin..✌🇸🇴

  5. Waa run, from Garacad-Afbarwaaqo, jiriiban, Eyl, Hurdiya, Xaafuun, Caluula, Iskushuban, Baargaal, Raascasayr, Qadala, Bossaso, Ceelayo, Laasqoray…etc, xeebaha.
    Laamiga dheer: Galkacyo, Buurinle, Garoowe, Qardho, Ceeldaahir, Carmo Bossaso..Baran etc.
    Haddaad dhinaca Ethiopia aado Galdogob ilaa Bookh gasho, Deni Cashuur ka guraa, amar dowlo ka socdaa..dhul ka weyn Great Britain oo 1860 km xeeb labo badood leh oo dalalka Khaliijka saaran xagga ganacsiga..
    Deni muxuu la kibraa ninka ogeyn waa nin aqoon geografy of Somalia ama Geopolitics of Somalia.
    For your information.
    Dhul Udug👌

  6. Ina xasan ina Deni waa heshiis waxa laga wada hadlaya masharicda hortabinta leh

    Ee ka socda puntland ilayn dalkii intisa kale amniga u ah mashruuc mudulod iyo mj

    Dorkan waxay heshiis ku yihiin wixii calamka laga helo in lakala tuurto nin aan

    Degankisa mashruuc ka socon waa inuu noqda dawade edab leh horta dekedii

    Hobyo maxaa ka fulay sorry ilayn amniga ka horeyey

  7. Land of punt.
    Inaadeer waan ku salaamay salaan tolnimo ,salaan gobeed,iga gudoon.
    Land of punt,inaadeer dabshid markaan lahjadiisa u fiirsaday
    Mareexaan buu ila hadal egyahay,balse wuxu yahay Ilaahay baa inaga og.
    Golaha kalshaale dadka ku xifaaltama way is wada yaqaanaan laakiin dabshid wuu diiday inuu is cadeeyo qabiilkiisa!!!!!!!!!!!!!!!.
    Laakiin maxaa inaga galay Fartuu qoro baynu la qoraynaa
    Taasi waa mid.
    Lop kkkk inadeer waan qoslay markaad tidhi deni baa farmaajo ku yidhi Khaatumo inay dad jira yihiin u ogolowkkkkkkkkkkkkk.
    Ciidankii yaraa ee aanu isku difacaynay OO la tababaray
    Buu deni wuxu ku shambadeeyay (argagixiso).
    Hada Muqdisho wuxu u tagay dagaal uu kula jiro xijaar.
    Hadaba nacaskii maahmaahay wuxu yidhi(cadaab geeri baa ii kaday).
    Deni iyo farmaajo iyo geedanaar midna waxba iima yeeleen
    Hadii tolkay mowqif leeyihiin oo isku duuban yihiin.
    Ciidan iyo cududba Ilaahay wuu na siiyey ,hiilna ugama baahinin mr.dibiro ee yaa naga qabsada.

  8. Baaris badan ka dib.Ma haynno meel Deni Md Xasan Sheekh kala hadlay KG waa un website Somalida.
    Deni waxuu ka hadlay dhawr arrimood.
    Waa jirtaa in Taliyaha police ama military lasiiyo Daarood.Deni Daarood cidduu u yaqaan ayaa su,aal laga keenay sababtoo ah Taliyaha police waa Daarood wuu la rabaa?ma aqaan.
    Deeqaha dibadda waxay isku fahmi waayeen feedback ayaan rabnaa waa intii dawaladdii hore la isku qabtay.Warar aan hubin ayaa leh xilal ayaa loo balan qaaday qoykiisa ah.Md Xasan hadda wuxuu leeyahay 4.5 ayaan saxaynaa,oo markii hore sow kama qurxanayn in la saxo?
    Website Somalida iyo fadhi ku buuqa warkooda ka baxa.

  9. Farxiyo

    Wllo
    Xumaan aad u qabto Mareexan
    ayaad u leedahay @ Dabshid Huriye waa Mareexan

    Adigoo u qarinhayo siduu u arko
    Dabshid ciddaan Daarood ayay
    Mareexan kuna u arkaan Daarood

    Yacni oo Mareexan ku aaminay Daaroodnimo
    Waxay la mid tahey adigoo
    Dabshid ka dhigay Hogaamiye Daarood

    Cidda sidaas ha u galin
    ileen markay joogan Raqda Hiraab
    Waa idinka u soo qaato Gaaweetooyinka

    Diini hortiis Daarood Dab uma shidnayn

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented