Maxkamadda Ciidamada oo Xukuntay maanta Askarigii darawalka ku dilay Balcad
Muqdisho ( Kalshaale ) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askarigii ka dambeeyey dilkii loo geystay marxuum Seylax Cabdulle oo ahaa darawal, kaas 29-kii bishii hore ee November lagu dilay isbaaro tiilay waddada dheerer xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Muqidiso.
Xukunsanaha oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadow Ciise ayaa isla maalintaas lasoo qabtay, waxaana lagu wareejiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Cabdiraxmaan oo deg-deg maxkamad loo soo saaray, ayaa lagu helay in shilimaad uusan xaq u laheyn u dilay marxuumka oo waday gaari BL ah, waxayna Maxkamadda Ciidamada ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Seylax Cabdulle.
Qaar ka mid ah shacabkii saarnaa gaariga oo marqaati ahaan loo geeyey maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in xukunsanaha uu si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.
Dhacdadaan ayaa si aad u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka, waxaana si aad ah dadwynaha uga falceliyeen dilka marxuumka oo maydkiisa saacado yaalay isbaarada.
Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa la siiyey hadal kooban, wuxuuna sheegay in 11 isbaaro ay taalo inta u dhaxeyso labada magaalo kuwaas oo lacago lagu qaado.
Toogashada Cabdiraxmaan Cadow ayaa la filayaa in lala dadajiyo, si loo fuliyo amarkii madaxweynaha ee ahaa in la toogto qofkii isbaaro dhigta ama dil u geysta shacabka.
Ehellada marxuumka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ayaa intooda soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda, maadaama ay go’aan ka gaartay dhacdadii isbaarada Balcad.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61997
Sharciyada waxa la fuliyaa marka ummadda la hagaajiyo ee wax la baro.Rasuulku Scws,wuxu soo rogay salaada ka dib markii u muddo dheer soo dhisay edaabta iyo ashkaaqda ummada.
Runtii wadanka Somaliya,gaar ahaan koonfurta oo qudhunsan,oo xildhibaanadu keeyihiin isbaaroyin maaha in dilka lagu fuliyo caruurta ku dhalay ee ku kortay meel noocan ah.
Meel qori la dito
Meel qudhunsan sida koonfurta Somaliya.
Ciqaabku maaha inay qabato isla maanta.
Waa xeer iyo maxkabad Mooryaaneet waxa Wiilkaasi dilka ku xakumay.
Waa Xabsi la geeyo.
Dadka ha dhiso muddo oo matka dadku degaan ha la soo rogo xeerka dilka.
Xasan sheekh qudhiisa ayay isbaaro u taalaa Airportka.
Dalmida
Ninkan waa nin qaan gaarey wuxuuna ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka.
Madaxweyne Xassan Shiekh ayaa inta uu tagay Deegaanada uu wiilkan kasoo Jeedo u sheegay Ciidamada halkaa joogay uga digay in Dadka safarka ah laga Daayo dhibaatada lagu haayo sida Dilka, Dhaca, Kufsiga iyo wixii la mid ah.
Madaxweynaha waa uu ka digay Arinkaa in hada iyo wixii ka dambeeya la ciqaabi Doono Askarigii noqda Qaadaca Dariiq in la marsiin doono Ciqaab adag. Hadaba, Wiilkan waa ogaa wuuna maqlay digniinta Dawlada Madaxdeeda soo saareen Laakiin wuu iska Indha tiray wuxuuna ku Dhaqaaqay in uu Dilo Qof Muslim ah oo Safar ah sidaa calaa adligeed wuxuu maantay hayaa mirihii uu shalay gurtay oo ay U dheer tahay Caro Alle.
Qaadaco Dariiq Sharciga u yaal Islaamka ayaa ah in looga digo dhibka Ummada uu Ku hayo Hadii uu diidana la dilo…! No Excuses !!
Hobyo
Caddaaladda ha ka tagin.
Bal soo baadh qaabkik Nabi Maxamed, scws u soo rogay ciqaabaha iyo waajibaadyada.
Muddo ayaa dadka la hagaajiyaa, Deedna muddo la siiya a. Xeer la soo saaraa, Maxkabada la geeyaa,oo ay diidaa ama ogolaataaa. Haday ogolaaato dadka ayaa loo sheegaa marka uu xeerkaasi dhaqan gal noqondoono.
Xasan Sheekh Hadalkiisa ama amarkiisa qof laguma dilikaro.
Xasanbaa yidhi wax shaqaynaya maaha.
Xasan waaa wasakh Mooryaan ah oo ay ahayd in isaga la dilo…
Waan ka xumahay Wiilkaasi lagu soo barbasriyay dhul isbaaro taalo, hadana isaga loo dilayo qof uu dilay..
Wadanka oo dhan ayaa isbaaro, dil iyo boob ka socdaa.
Dalmida