|

Madaxwayne Xasan sheikh oo kulan la yeeshay Wasiir muhiim ah oo ka socday UK

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Ingiriisku ay siiso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Wasiirka la wadaagay guulaha dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u xoreynta dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo dolwad dhiska ayaa xusay dadaalka xooggan ee dowladdu ay ku bixinayso xaqiijinta Soomaaliya xor ah, ammaan ah, isku filan isla markaana ka faa’iideysata fursadaha horumarineed ee caalamaiga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee dowladda Ingiriiska mudane Andrew Mitchell oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka argagixisada iyo deyn cafiska ayaa sheegay in dowladda UK ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha iyo fududeynta in Soomaaliya ay hesho mashaariicaha horumarineed iyo kuwa lagula tacaalayo saamaynta isbaddalka cimmilada isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

DHAMMAAD

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61881

Posted by on Nov 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Madaxwayne Xasan sheikh oo kulan la yeeshay Wasiir muhiim ah oo ka socday UK”

  1. Gurguurte oo xalane iska xaadiriyey ka dib markii uu nafsadiisa ku aamini waayey villa somaaliya oo mooryaani qabsatay wallee soomaaliya iyo dadkeeda ilaah baa u maqan illen hogaamiye ma jiree.nimaan talin jirin haddii uu taliyo,nimaan tagi jirin baa taga.musuqmaasuq +amni xumo+isbaaro+bililiqo+ dhac+dil+kufsi +mooryaan = argagixiso .mahad kawaanle*mahad karatee = argagixiso.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented